Xubno ka tirsan ururka Al Shabaab oo duqayn lagu dilay

Reading Time: < 1 minute

Xubno ka tirsan ururka Al Shabaab oo duqayn lagu dila. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay diyaaradaheeda dagaalka ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Waxaa warkaas laga soo xigtay Agaasimaha la dagaalanka Argagaxisada iyo Amniga Qaranka kenya David Goldman. Agaasimaha ayaa sheegay  in duqeynta ay ka dhacday jasiirada Kudhaa, isla-markaana khasaare xoog-leh lagu gaarsiiyey dagaalyano  ka tirsan kooxda Al-Shabaab. David Goldman ayaa xaqiijiyey weerarkan ah cirka oo ay daba socdeen howl-gallo dhinaca dhulka ah lagu dilay ugu yaraan 11 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xilliga ay duqeynta ay dhaceysay  ayaa la sheegay ururka Al-Shabaab ay wateen Kolonyo ku socdaaleysay halkaasi, isla-markaana ay weerar ku ahaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubbaland, balse la fashiliyey qorshahooda. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay sii laba jibaari doonaan howl-gallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!