Xubno Ka Tirsan Koxoda Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay DFS

Reading Time: < 1 minute

Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo koxoda Shabaab dhexdeeda looga yaqaanay { Indhacade} ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, ee ku sugan deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdirashiid oo ku dhashay Magaalada Baydhabo ayaa Argagixisada uga biiray sida uu sheegay deegaanka Doolan-doole ee Gobolka Baay horraantii 2018, markii uu qaatay fikirka Khawaarijka ah.

Nolol adag iyo dhibaatooyin kala duwan oo uu wajahay darteed ugu dambeyn waxaa uu go’aan ka qaatay ka sii mid ahaanshaha cadowga umadda waxaana uu isku soo dhiibay ciidanka Qaranka Bambooyin, Taliyaha Ururka 83-aad, guutada 14-ka October Gaashaanle Maxamed Nuur iyo saraakiisha guutada ee deegaankaas ku sugana ayaa soo dhaweeyey Cabdirashiid.

Dhanka kale Aadan isaaq Aadan oo Magaciisa Afgarashadu yahay Zuber ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabadsugida Ee kusugan degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

Aadam ayaa Khawaarijta katirsanaa mudo 5 Sano ah waxaan uqaabilsanaa Waxaa ay ugu yeeraan Xisbada .