Xubno ka soo jeeda beesha Direed ayaa iskacasilay gudigii loo saaray Laascaanood

Reading Time: 2 minutes

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanaka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beelaha Direed, ayaa ka horyimid guddi gaar ah oo shalay uu magacaabay guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Sida uu ku sheegay warqada uu shaaciyay Aadan Madoobe, Guddigaas ayaa loogu tala galay inuu warbixin kasoo diyaariyo rabshadaha ka socda magaalada Laascaanod ee gobolka Sool, halkaasi oo ciidanka Somaliland ay ku dileen 20 qof oo shacab ah.

Xildhibaannada ayaa sababta ay guddigaan ku diidanyihiin ku sheegay in qaabka loo maray magacaabista aanay ahayn qaab sax, iyo sidoo kale in xubanaha la magacaabay qaarkood aaney xog badan ka ahayn xaaladda Laascaanood, sida ay hadalka u dhigeen. 

Kala qeybsanaantaan ku timid gudiga ayaa muujinaysa in dhamaan xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Direed ay ku taageersan yihiin talaabooyinka ay qaaday xukummada  Somaliland ee lagu xasuuqay dad shack ah.

Nuuradiin Col, oo ka mid ah xildhibaanadaas, ayaa sheegay inaysan diidaneyn in la baaro xaaladda Laascaanood, balse ay doonayaan cid awood u leh inay tagto Laascaanood, oo xog-gaal ah, islamarkaana aan caadifadeysneyn, sida uu hadalka uu dhigay.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in qaar ka mid ah xildhibaanada aan lagu kalsoonaan karin, sababtoo ah buu yiri “qaarkood wareysiyo ay horey u bixiyeen ayaa laga dheehan karaa waxa ay aaminsan yihiin iyo waxa ay soo bandhigi doonaan.”

“Caadifad baa ka muuqata, arrinta dadkii buunbuuninayay ayaa guddiga ka mid ah, marka waxaan diidanahay dadk sidaas oo kale ah inay guddiga ku jiraan,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xildhibaano ay arrintan kala hadleen guddoomiyaha kahor inta aan guddiga la magacaabin, islamarkaana hadda ay qorsheynayaan inay isku yimaadaan oo mar kale ay la kulmaan Aadan Madoobe.

Xubnaha Guddigan ee xildhibaannada ayaa kala ah:

1. Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow
2. Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan Warsame
3. Xildhibaan Cabdikariim Cumar Xuseen
4. Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye
5. Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada)
6. Xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar
7. Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel qaad)
8. Xildhibaan Maxamed Cusmaan Cumar (Naastaro)
9. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab)
10. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil