Xubno ka Socda Qooyska Boqortooyadda Imaaraadka oo Soo Boooqday Qoyska Boqortooyadda Puntland Iyo Kullan ka dhacay Qardho(SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Wafdi kasocday dalka isutaga Imaaradka Carabta ayaa maanta soo gaaray Degmada Qardho ee Maamulka Puntland,si wanaagsan ayaana loosoo dhaweeyay

Boqor burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka Beelaha daarood  ayaa waxaa  uu Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Qardho ku soo dhaweeyay Wafdigan Reer Boqor ka Socday,  Maamulka Gobolka, kan Degmada, Isimada dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaana madasha goob joog ka ahaa.

Sida ay MUQDISHO ONLINE u xaqiijiyeen Masuuliyiinta Degmada Qordho Ujeedada ay Wafdigan u yimaadeen Magaalada Qardho ah Sidii loo Xoojin lahaa  Xiriirka dhaqanka ee Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta.

Wafdiga ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada qardho waxaa lageeyay goobaha dalxiisa iyo Beerta uu kuleeyahay Boqorka Magaalada Qardho,waxeeyna masuuliyiinta ka Socdat Qoyska Reer Boqor ee Imaaradku sheegeen in Soo dhaweeynta Puntland loogu sameeyay ay tahay mid Cajiib ah oo ay ka mahad celinayaan.

Dhawaan Kulan ka dhacay Safaarada Turkiga Ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu dhex-maray Odayaasha dhaqanka Ee Beesha Habar-gidir waxaana taas lagu macneeyay mid lagu soo dhaweeysanaayo qabiil gaar ah.

Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu kaalin muuqato ka qaadanayaa Arimaha hormarinta Bulshada,Sida dhaqanka,Caafimaadka,iyo Amniga.