Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xubno ka tirsan gudigii uu magacaabay madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ay ka soo horjeesteen Magacaabistaasi.
Dadka ka soo horjestay ayaa waxaa ka mid ah Nabadoon Khaliif Ow Cali Axmed iyo sedex xubnood oo kale, inkastoo weli aan la helin magacyadooda.
Xubnahaan ayaa ku doodaya in madaxweyne ku-xigeenka Puntland uusan wax wadatashi ah kala samaynin xubinimada gudiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta barlamaanka cusub ee ay Puntland yeelan doonto shanta sano ee soo socota.
Arintan ayaa waxaa ka dhalatay khilaaf soo kala dhex galay Madaxda ugu sareysa ee Maamulka Puntland, kaasi oo u dhexeeyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.
Jahwareer siyaasadeed ayaa ka bilowday deegaanada ka tirsan Maamulka Puntland, kaasi oo asal u ah gudiyada is dabada jooga ah ay magacaabeen Labada masuul ee ugu sareysa ee Maamulka Puntland.