Reading Time: < 1 minute

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay Muqdisho, waxaana shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Xubnaha la meermariyey oo ka kooban shan xubnood ayaa kala ah 

  1. Prof. Xuseen A. Warsame
  2. Dr. Aweys Sheekh
  3. Dr. Abdisamad N. Looyaan
  4. Sakhaawadiin M. Mohamed iyo
  5. Mr. Cusmaan Salaad Gabeyre.

Xubnahan ayaa sida uu sheegay wasiirku buuxiyay shuruudihii looga baahnaa mas’uuliyiinka kamid noqonaysa Guddiga maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Warfaafin Soomaaliya ayaa sheegay in Goluhu ay meelmariyeen siyaasadda deegaanka, heshiis dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada iyo UNESCO iyo is afgarad dhexmaray Wasaaradda ganacsiga iyo Wasaaradda Maalgashiga Masar.