Xubnihii Lafta Gareen u soo magacaabay Aqalka Sare oo la ansaxiyay

Reading Time: < 1 minute

Dhamaan sadaxdii Xubniid uu Lafta Gareen u soo magacaabay Aqalka Sare oo la ansaxiyay. Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji u doortay Senatar Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.

Dhanka kale, musharax Xasan Xuseen ayaa waxaa doorashaada kula tartamay Musharax Cabdiraxaman Maxamed Cabdullaahi, waxaana doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku guuleystay Xasan Xuseen.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa helay Codad gaaraya 74 Cod, halka Musharax Cabdiraxaman Maxamed uu isna helay 14 Cod, isla markaana waxaa halaabay Codad gaareya 3 Cod, iyda oo goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.