Xubnaha Guddiga Doorashada ee aan Sharciga Ahayn Ha is Casilaan Haddii ay Dalka u Turayaan

Reading Time: 2 minutes

Waxaa wax lala yaabo ah guddi is og inuu yahay guddi aan lagu heshiis ahayn inuu saaro qodobbo iyo fikradao oo uu ujeedibayo koox aan u aaminsaneyn inu guddiba yahay. Guddiga oo muddo ku adkeysanayey qabashada doorasho ayaa maanta qiray in aanu qaban Karin doorasho aan heshiis lagu aheyn.

Guddigan oo aan xataa xor ahayn kana cabsanaya Fahad iyo NISA oo ay qaarkood ka tirsan yihiin ayaa ku oo ku xiran madaxtooyada  iyo Xaruunta NISA. Waxaa habooneyd inay is gartaa waayo saddex goor ayey ku fashilmeen jadwal doorasho oo ay soo saaray. Waxay caawa sheegeen inay waar ka sugaayaan in dhinacyada doorashada isku hayaa ay ka heshiiyaan.

Qoraal u muuqday in loo soo dhiibay ayey ku yiraahdeen

Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada, Guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay inay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.

Waa yaabe hal booli ah nirig xalaal ah ma dhashaa? Guddi isaga lagu muransan yahay sharcinimadiisa sidee ayuu talooyin iyo qoraallo ugu soo jeedin karaa cid aanba aqoonsaneyn?

Tolow ma Fahad iyo Farmajo ayaa dalka ka baxsan raba maxaa keenay isbeddelka mowqif ee guddiga?

Guddiga wuxuu khilafka ka yahay hal qodob aaway kuwii kale? Dhibatada lagu hayo reer Gedo iyo Jubaland, iyo Hoteel ku xareysashada Xildhibaanada Somaliland ayaa iyagana ah qodobada la isku mari la’ayahay oo ay Fahad iyo Farmajo u haystaan ina haddii ay ogolaadaan in la saxo inay Meesha ka baxayaan oo waxba u ool.

Talo ku socota xubnaha sharafta leh ee Guddiga oo aan iyaga cid shakhsiyadooda ku haysan ayaa waxay tahay inay iska casilaan guddi ku sheegga la hubo inuu dalka dhibaato u keenayo, waxay MOL talo walaalnimo ku siineysaa inaan taariikhda qormeysa iyo Mustaqbalka aysan isaga ciyaarin ee  ay iska casilaan guddiga xaraanta ah ee lagu daray.

Guddiga Doorashada kama mid noqon karaan:

  1. Shaqaale dowladeed oo rayid ah.
  2. Ciidamada dalka nooc kasta sida Xooga Dalka, Boliiska, Asluubta iyo Nabadsugidda.
  3. Xubnaha garsoorka dalka
  4. Xildhibaanada doorasho doonka ah.

Guddiga ha is casilo si hawsha qodob dhib ku hayaa ay uga qaadaan si loola tacaalo labada kale ee dhimashada iyo dhibaateynta reer Jubbaland iyo Xareysashada Xildhibaanada Somaliland.