Xubin katirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Baydhabo isagoo diyaarad raacayo

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ka qabtay nin dhallinyaro ah oo katirsan kooxda Al Shabaab, kaa oo safar u ahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ninkan ciidamada sirdoonka qabteen oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdullaahi Jaamac ayaa ka dhoofayay garoonka Baydhabo, waxaana ka shakiyay sirdoonka oo wareysi kaddib ogaaday in uu katirsan yahay Al Shabaab.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay Ibraahim in aabihiis ku qal qaaliyay in uu Al Shabaab ku biiro isaga oo Gaalkacyo jooga, waxa uuna xusay in tababar ciidan kusoo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhaxe.

Ninkan oo Al Shabaab dhaxdooda looga yaqaan Fahad ayaa sheegay in madaxda sare ee Al Shabaab ammar ku siiyeen in uu tago magaalada Gaalkacyo, si halkaasi uga fuliyo howlgalo amniga magaalada liddi ku ah.

Ciidamada NISA ayaa sheegay Ibraahim Cabdullahi  ay hayeen xogtiisa ayna muddo kudaba jireen, waxa ayna sheegeen in ujeedkiisu hadda ahaa in uu tago magaalada Gaalkacyo si halkaasi falal amni darro uga geesto.