Xoogaggii Waddaniyiinta NN iyoCBB Maxay Hadda Mustafe Cagjar ula safan yihiin .Ceeb dheh.

Reading Time: 4 minutes

Iyadoo cid walba oo Somali ah oo  damiir waddanimo iyo mid Smalinimo oo run ah uu  ku jiro ay ka gubatay warka ka soo yeeray Mustafe Cagjar ayaa waxaa baraha bulshada ka socda amaan iyo duco ay CBB -da NN u jeedinayaan Mustafe.

Haddaba dad badani waxay is weydiinayaan aaway waddaninayddi uu Famajo iska ooysiin jiray oo uu lahaa dowladdaan waxay soo celisay waddaniyaddii iyo qabkii Somalinimo, ma waxay ahaayeen kuwa lagu muufeysaneyey intii la joogay Madaxtooyada, laguna sirayey waxmagaratada ay qaarkood weli aabbowda hayaan?

Mustafe waa min Itoobiyaan ah oo cacanka Itoobiya isku xareereeyey, waxaanu  si cad u yiri Itoobiya ayaan Somaliya ku soo hogaaminayaan oo waxay qabsaneynsaa dhul Somaliyeed ooh or leh una bixineysaa Buffer Zone waa nasiib xumo weyn oo ay weligood adeegsan jireen waddamada raba inay ku duulaan dal kale, laakiin hadalkani weli duulaan looma qaadan karo waayo Mustafe waxba kama aha dowladda Federaalka Itoobiya oo dlka xukunta.

Haddaba waxaa soo xiganayaa maqaalad qurux badan uu qoraa Somaliyeed oo la yiraahdo Maxamed Xaaji uu ku qoray bogga Hadalsame la yiraahdo kaas oo na soo jiitay sida uu u qodobeeyey.

Qoraalkii oo dhan halkaan hoose ka akhriso:

Kelmadda waxaan gudaha Somalia ka samaynaynaa Buffer Zone ama haddii si kale loo yiraahdo degaanno ka tirsan Somalia balse ay ka taliso Itoobiya, waa hadal aan laga fiirsan oo kasoo yeerey Mustafe Cagjar oo ay dad badani u xil hayeen.

Haddaba, aannu qodobayno sababta ay dad badani u liqi la’yihiin kelmaddaasi oo leh saamayn ka qoto dheer ujeedka la sheegayo.

1 – Cagjar wuxuu madax ka yahay maamul haatan hoos taga DF Itoobiya oo uu calankooda sito, sidaa darteed, marka nidaamka caalamiga ah la eego xaqba isagu uma laha inuu galo gudaha Somalia ama uu ka hadlo arrimaha gudaha Somalia.

2 – Ciidanka uu sheegayo inay gudaha Somalia gelayaan haddii ay yihiin kuwa Liyu Police iyaduna waa khalad, waayo waa ciidamo maxalli ah oo aysan ahayn inay dhaafaan Gobolka Soomaalida, haddii uu ula jeedo kuwa Federaalka Itoobiya hoos tagana waa khalad kasii wayn oo shaqadiisaba maaha.

3 – Aan ka dhigno inuu Liyu Police ula jeedo waxa Buffer Zone-ka samaynaya, markaa Liyu Police ma waxay ka xoog badan yihiin kuwa Federaalka Itoobiya oo tan iyo 1995-kii ka galaa baxayey gudaha Somalia oo wejiyo badan kusoo gelayeen? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waa inay xooggaa iskaga xoreeyaan Itoobiya lafteeda, amaba ugu yaraan ay ku difaacaaan Soomaalida dhibaatada kala kulmaysa Oromada, Cafarta iyo waayadii hore Tigreega.

Marka qura ee ay Somalia aqbali karto in Liyu Police gudaha usoo gasho waa marka ay yihiin ciidanka ummad Soomaaliyeed oo madax bannaan.

4 – Marka laga soo tago in Liyu Police aysan ahayn ciidan lagu yaqaanno ilaalinta xeerarka caalamiga ah marka la eego tacaddiyo ay horay ugu gaysteen Soomaalida labada dhinac ka deggan xadka haatan jira, waloow uu dhaqankoodu woxoogaa hagaagey tan iyo imaanshihii Cagjar, misna Liyu Police waxay hoos tagaan Gobolka Soomaalida oo isna haatan ah hay’ad federaal (federal institution) hoos taga Itoobiya.

Sidaa darteed, ma aha in Soomaali Galbeed iyo Soomaalida deggan Somalia-da xorta ihiba ay iibsadaan aragtida sibiqda la isku gelinayo ee ah ”maxaa ka micne ah waa wiilal Soomaaliyeed”, waayo ciidankani kuma shaqeeyaan ra’yi Soomaaliyeede waxay amar ka qaataan Addis Ababa oo iyaduna eegaysa danaheeda gaarka ah. Taasi waxay hadhow keeni kartaa in dhulka buffer-ka laga dhigayo hadhoow muran la geliyo, waana wax horay dunida uga dhacay.

Iskusoo wada duuboo, Soomaaligii aan isagu heli karin inuu madax bannaani ku noolaado waa inuusan gumaysi usoo safrin midkii haysta wax yar oo xornimo beenaad ah, sidoo kale, Soomaalida haatan ku hoos jira Kenya iyo Itoobiya waa inay la yimaadaan garasho iyo wacyi ay ku fahmi karaan in Somalia oo xor ihi ay iyaga faa’iido mooyee aysan marna khasaare u lahayn, taa cagsigeeduna uu keenayo uun iyaga oo uu gumaysigu ku jibbaarmo Soomaalidii kalena ay la gumowdo.

Weliba Mustafe Cagjar tiro ka dhowr jeer ayaan ka dhegeystey isagoo sheegaya hadallo muujinaya inuu arrimahaa ku baraarugsan yahay oo uu faham fiican ka haysto, balse shalay mar qura ayuu wareegey 180 digrii, balse wuu isa sixi kataa weli.

Dhamaad.

Haddaba haddii cid waliba oo damiir leh ay sidaan uga damqatay gefka aan ka fiirsiga lahayn ee Musatafe Cagjar aaway CBB iyo NN oo dhulka iskula garaaci jiray waddaniayad, aaway odaygii u weynaa ee na oran jiray dowladeydu waxay soo celisay qabkii. Qabku in wiil aan afkiisa iyo dhagahiisu is maqleyn uu Somaliya u hanjabaa? Bal akhristow adiga is weydii. Xigasho: MW Aden Cabdulle Cisman “ Somalida raggeeda ha kala barato