Ila wareed ku sugan Degmada Shibis ayaa Muqdisho Online u xaqiijiyay dil loogeestay wiil yar oo dhalinyaro ah, kaaso maraayay wadada isku xirta isgooska maanaboolyo iyo afarta darjiin.
Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxaaya wiilka la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaradii ka qeyb qaadatay banaanbixii ka dhacay Magalada Muqdisho.
Xogta la helaayo ayaa intaas ku dareeyso ragii fuliyay weerarka ay ahaayeen dhalinyarada xoogaga wadaniyiinta ee daacada u ah Madaxweyne Farmaajo, kuwaaso dhawaan looqeybiyay biskoolado.
Waa dilkii ugu horeeyay ay fuliyaan xoogaga wadaniyiinta daacada u ah Madaxweyne Farmaajo waxaana wax lala yaabo ah in ay marxuumka markii ay dileen inta aysan ka cararin goobta ay xabadka usaareen Bambo Afwan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii hore u isticmaalayay xoogaga wadaniyiinta aflagaadada Madaxdii Hore ee Dalka iyo Siyaasiinta Mucaaradka balse hada bilaaway fulinta dilalka qorsheysan.