XOG:Xildhibaanada Mooshinka wada oo iska diiday Waanwaanta laga dhex wado labada Dhinac.

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada wada Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa iska diiday dadaalo ay wadaan Xildhibaano xal uraadinaya Khilaafka Golaha Shacabka.

Xildhibaanadan xal uraadinta Khilaafka wada Waxaa hogaaminaya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee dalka Xildhibaan maxamed Cumar Carte Qaalib, iyadoo Warbaahinta usheegay iney dhex dhexaad ka yihiin Xiisada Siyaasadeed ee kajira Khilaafka curyaamiyay howlihii Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar (Dhalxa) oo kamid ah Xildhibaanada diidan Gudoomiye Jawaari ayaawarbaahnta u sheegay in sharci ahaan aysan sax eheyn in la helo garab kale oo mooshinka aan wadin ama ka soo horjeedin, Wuxuuna ula jeeday Xildhibanaada xalka ku baxay.

Sidoo kale waxa uu ku dhaliiilay iney la safanyihiin Garabka taageersan Jawaari oo aan dhex dhexaad ka eheyn xalinta arintan maadaama sida Dhalxa uu yiri ay la kulmaan oo kaliya garabka mooshinka diidan.

Dhinaca Kale waxa uu soo hadal qaaday Ciidamada la geeyay Xarunta Baarlamaanka oo uu sheegay ineysan waxba uga duwaneyn kuwii hore ujoogi jiray, Sababta aysan waxba uga duwaneyn ayuu sheegay iney tahay maadaama ay Somali yihiin oo aan ciidan Ajaanib ah la geyn Xarunta.