[Xogtii u danbeeysay] Farmaajo oo loo bandhigay in uu dalka isaga baxo lana siiyo lacag iyo magangalyo Siyaasadeed

Reading Time: < 1 minute

Waxaa socda wadahadalo u dhexeeya wadamada Beesha Caalamka oo aay hormuud ka yihiin Midowga Yurub iyo Mareykanka taasoo looga arrinsanaayay siyaasadda cakiran ee soo food saartay Soomaaliya.

Sida MOL aay maanta idiin soo gudbisay, wadahadalada ayaa ka dhashay dood badan, waxaana ugu danbeyntii Madaxweynaha Wakhtigiisa Dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo soo bandhigay in

  1. In la siin doono magangalyo siyaasadeed, dowlad Carbeed oo aan la sheegin magaceedana aay dammaanad qaaday magangalyadaas.
  2. In la siin doono lacag dhan $5 Milyan oo Doollar
  3. In laga rabo in uu 72 saac guduhood dalka uga baxo.
  4. Fursadan waxay u furan tahay 72 saac ee soo socota.

Waxaa laga wardhowrayaa go’aanka uu qaato Madaxweynaha wakhtigiisa dhammaaday iyo haddii uu ogolaan doono shuruudaha lagu xiray in uu dalka isaga baxo si dalka looga badbaadiyo colaad iyo dagaal

Wixii ku soo ku soo kurdha waxaan idinkugu soo gudbin doonaa mareegta Muqdisho Online.