XOG:Qabashada kulankii Amniga Soomaaliya ee Belguim oo lagu xiray kulanka Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa horay loo qorsheeyay kulankii la doonayay in dowlada Soomaaliya lagu caawiyo, kulankan ayaa daba socda kulankii Muqadishu iyo kii London.

Dolwadda Soomaliyeed ayaa ku guul daraysatay in ay fuliso dhamaan qoryaashii horay loogu soo hehsiijyay taas oo keentay in beesha caalamka ka aamin baxdo Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa.

Asbuucii la soo dhaafay ayaa warqad ay u soo gudbiyeen kooxda beesha caalamka  ee loo yaqaan 6+1 madaxweyne Farmaajo ay si cad ugu sheegeen in taageeradda dowladda la joogin doono hadii ayan imaan isbadal tayaysan oo suuragal ka dhigi karto in la  helo dowlad ka tarjumi karta baahida umadda Soomaaliyeed.

Waxaan shaki ku jirin in Shirka Baydhabo uu noqon doono mid lagula xisaabtamo dowladda dhexe. 

Farmaajo iyo Kheyre oo og  in kulanka Belguim ka dhici doono ku xiran yahay natiijadda ka soo baxda shirka Baydhabo ayaa damacsan in ay balanqaadyo lacageed iyo mid siyaasadeed oo been ku salaysan u sameeyeen  hogaanka dowlad goboleedyadda. 

Laakiin warar hoose oo ay heshay MOL ayaa lagu xaqiijiyay in dowlad goboleedyadda ka soo horjeesteen arintaas, shirka baydhabo Ma noqon mid shacabka Soomaaliyeed looga been abuuro. Marnabana kama soo baxayso natiijo Farmaajo ku farxiyo.