Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqashadiisii labaad ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Guterres ayaa lagu wadaa in maanta arbaco ah uu kula kulmi doono madaxda ugu sareysa dowladda, isagoo sidoo Kale booqandoona xeryaha barakacayaasha ee gudaha magaalada Muqdisho.
Sanad walba bisha Ramadaan xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa booqda dal Muslim ah, si ugu kuurgalo xaaladaha biniaadantimo ee ka jirta..waxaana lagu wadaa inuu dalbado malaayiin dollar oo wax looga qabanayo xaaladda biniaadantinimo ee Soomaaliya.
Sanadkii 2017 ayay ahayd markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu booqday Soomaaliya, waana safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tago Soomaaliya tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo 2017.
Magaalada Muqdisho ayaa ahayd safarkii ugu horeeyay ee uu ku tago, isagoo la kulmay Madaxweynihii Soomaaliya ee xilligaas Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.
Intii lagu guda jiray booqashadiisa, madaxa Qaramada Midoobay ayaa codsaday lacag dhan 825 milyan oo doolar si gacan looga geysto yareynta dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee dalka oo isugu jiray colaado, abaaro, isbeddelka cimilada, iyo cudurrada faafa.
[SAWIRO] Xoghayaha guud ee QM oo safarkiisii labaad ku tagay magaalada Muqdisho
Reading Time: 2 minutes