XOG:Farmaajo iyo Khayre oo la ogaaday inay wadaan bur burinta Maamulka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu eedeyay inay ka danbeeyaan khilaafka ka dhax aloosan madaxda sare ee Maamulka Galmudug.

Khilaafka ka dhaxeeya hogaanka Galmudug ayaa la sheegay in uu ka bilowday isku darka maamulada Ahlu sunna iyo Galmudug oo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi iyo Gudoomiyaha Barlamanku ay tilmaameen in la jebiyay heshiiskii jabuuti ee ahaa in isku darka mamulka lagu saleeyo awood qeybsi qabaa’ilada Mudug iyo Galmuduud balse ku tagri fal awoodeed lagu kacay.

Maxamed Nuur Diidi oo ka mida Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in hada khilaafka jira ay ka danbeeyaan madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayna adeegsanayaan sida uu yiri Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug.

Ujeedka ayuu ku sheegay inay rabaan Doorashada 2020 inay Galmudug xildhibaano badan ka helaan oo ay hada Olole sii bilahaabayaan sida uu yiri.