XOG:Dowlada Itoobiya oo kordhisay Sirdoonkooda ka Howlgala Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Xog gaara oo an heleyno ayaa sheegeya in Dowlada Itoobiya ay kordhisay Sirdoonkeeda u jooga Magaalada Muqdisho, iyadoo qoratay dad u badan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Shaqsiyaadkan oo dhawaan laga diiwaan galiyay Safaaradda Itoobiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay macluumaad joogta ah usoo gudbin doonaan Itoobiya, iyagoo bishii la siinayo lacago aad u badan.

Kulan ka dhacay dhawaan gudaha safaaradda ayaa la iskugu keenay shaqsiyaadkan habka dhar cadka ula shaqeynaya Dowlada Itoobiya iyadoo siyaabo qaldan ay u adeegsaneyso Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo lacago lagu qaldayo.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaan waxba u arag howlaha ay Somalia ka dhexwadaan Saraakiisha iyo Ciidamada shisheeye ee sida tooska ah u adeegsada muwaadiniinta.