[XOG] Yuweri Musafeni oo ku qancinaya Farmaajo in uu siinayo Magangalyo Siyaasadeed

Reading Time: < 1 minute

Waxaa socda dadaalo aay wadaan dalal ka mid ah Qaaradda Afrika oo uu hoggaaminayo xoghaya guud ee ururka Midowga Afrika Felix- Antoine Tshisekedi, dadaaladaas oo la doonayo sidii looga hortagi lahaa in ismari waaga siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya uu isku bedelo dagaal sokeeye.

Sida MOL aay sheegeen diblomaasiyiin ka howlgala ururka Midowga Afrika, waxaa Guddoomiyaha Midowga Afrika Felix- Antoine Tshisekedi uu qadka telefonka laba jeer kula hadlay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Faraamo.

Mudane Felix- Antoine Tshisekedi ayaa ku qancinaya in uu Farmaajo si nabad ah isku casilo. Sida aay xogta sheegeyso Farmaajo ayaa ka biyo diiday in uu iscasilo, wuxuuna Felix- Antoine Tshisekedi u sheegay in aanu xilligan diyaar u ahayn in uu xilka ka tago.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Madaxweynaha Uganda Yuweri Musafeni uu isna uu bilaabay wadahadal uu ku qancinaayo Farmaajo in iscasilo, wuxuuna Musafeni u ballan qaaday Farmaajo in uu isaga iyo reerkiisaba siin doono Magangalyo.

Maxamed Siyaad Barre ayaa markii xilka laga tuuray sanadkii 1991 waxaa uu ka dalbaday Magangalyo siyaasadeed dalal badan kuwaasoo soo diiday maadaama uu ka dhago adeygay in uu iscasilo, iyadoo markii danbe uu magangalyo ka helay dalka Nigeria halkaasuu uu ku dhintay sanadkii 1994.

Farmaajo ayaa weli ka biyo diidan dadaalada aay wadaan dalalka Afrika ee daneynaya in Soomaaliya markale dib uga qarxo dagaal sokeeye.

Midowga Murashaxiinta ayaa maanta ka dalbaday Farmaajo in uu ka baxo Aqalka Madaxtooyada, waxayna sheegeen in si degdeg loogu soo oogo dacwad ka dhan ah Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaah Farmaajo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!