Galabta Casir-liiqii Qarax Culus ayaa ka dhacay Wadada Makka-Almukarama ee Magaalada Muqdisho Kaasi oo Gaarigiisa loogu xiray Pro Yaxye Sheekh Caamir
Qaraxyada oo ahaa laba gaari ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah oo ahaa saaruf uu lahaa Pro Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Somalia ahna falanqeeye,Gaariga waxaa waday Walaalkii kaasi oo Goobta ku geeryooday.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaarey goobta uu qaraxa ka dhacay,iyo sidoo kale Gawaarida dab-damiska,kuwaas oo demiyey labada gaari oo aad u holcayey.
Pro Yaxye Sheekh Caamir ayaa la rumeeysan yahay in uu ka mid ahaa shaqsiyaadka aad u dhaliilsanaa Siyaasada Dowlada Hada Jirta,Dhowr Dood oo uu ka qeeyb galay ayuuna ku muujiyay Dhibaatooyin jira.



Qaraxa lagu Xiray Gaariga Yaxye Caamir waxaa kasoo baxaayo Tuhun weeyn kaasi oo ah in la damacsanaa falkaasi in lagu qaarajiyo islamarkaana uu ahaa mid abaabulan