Xog: Xubno ku jira Liiska Cunaqabteynta US oo ay MOL ogaatay.

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo lagu sii siqayo inuu dalku yeesho gole Barlamaan, kadibna uu doorto madaxweynihii dalka hogaamin lahaa afarta sano ee soo socota ayaa waxaa jira kooxo lagu eedeynayo inay caqabd joogto ah ku yihin geeddisocodka iyo gabagabeynta hawlaha doorashada.

Horay waxaan u maqleynay inay jiraan xubno ay dowladda Mareykanka saartay cunaqabateyn balse aysan shaacin liiska iyo magacyada , kuwaas oo ay la sugeyso 14 April 2022 taas oo ah muddada uu qabtay Guddiga doorashada ee heer Federaal. Ujeedada ayaa ah inay halkaas ka soo baxaan shakhsiyaadka xagal daacinaya doorasha oo si toos ah liiska loo shaaciyo, laguna daro cid kasta oo gudan weysa waajibka ka saaran dhameystirka doorashada. 

Haddaba MOL ayaa ogaatay qaar ka mid liiska xubnahaas oo dhawaan soo bixi doona waxana ka mid dadka ku jira liiska cunaqabateynta:

1. Fahad Yasin Haji Dahir

2. Maxamed Abdulahi Mohamed “Formajo”

3. Mohamed Mursal Sh. Abdirahman

4. Ahmed Abdi Kariye

5. Abdi-Aziz Hassan Mohamed “Laftagaren”

Haddaba waa maxay cawaaqibka ay arrintan ku yelaneyso shakhsiyaadkan, taas oo ka dhalaneysa tallaabada lagu xannibay:

1. In qofka la saaray cunaqabateynta uusan dhaqdhaqaaq badan oo saffaro ah uusan sameyn Karin

2. In waddamo badan ay Maraykanka ku daydaan oo ay visaha u diidaan,iyagana saaraan cunaqabateyn.

3. In degenaashaha dalal badan loo diido.

4. In shirakadaha dayuuradaha badankooda ay diidaan inay qofkaas qaadaan, sidoo kale hay’adaha dhaqaalaha diidaan inay la macaamilaan.

5. In hantidiisa laga xannibo oo uusan isticmaali Karin.

Kooxdaan ayaa hadda u muuqda kuwa wajihi doona caqabado badan inta ay saaran tahay cunaqabateynta waxay fududeyneysaa in dalka aysan ka bixin oo lagu maxkamadeeyo dembiyadii ay galeen, kuwaas oo keeni kara xabsiyo dhaadheer, waxaa kaloo ay raad weyn ku yeelaneyso dad badan oo dembiyadaas la galay ama fududeeyey oo ay tilmaami doonaa marka maxakamad la horkeeno.