[Xog xasaasi ah] Mareykanka oo digniin adag u diray Maxamed Farmaajo

Reading Time: < 1minute

Sida aay aay xogta ku heshay MOL, dowladda Mareykanka ayaa u dirtay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo digniin adag oo la sheegay in aay tahay kama danbeys.

Mareykanka ayaa uga digay Farmaajo in uu iska ilaabo in uu xoog iyo sharci darro ku joogo kursiga, waxayna ugu baaqeen in aanu isku dayin in uu carqaladeeyo waan-waanta aay wadaan saaxiibada Somalia ee loo yaqaan (Beesha Caalamka).

Wakiilka Ergyaga Gaarka ah ee QM James Swan ayaa isugu yeeray Madaxda DG iyo in aay shir isugu yimaadaan usbuucan magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in aay soo gaaraan Muqdisho maalmaha Isniinta & Talaadada sida MOL aay ogaatay.

Beesha Caalamka ayaa wadda in la isku soo dhaweeyo DF iyo xubnaha DG Jubbaland & Puntland si loo helo nidaam doorasho oo lagu wada qanacsan yahay. MOL ayaa ogaatay in Beesha Caalamka aay si hoose ula hadashay RW Xilgaarsiinta Rooble in uu qaato kaalintiisa, waxaana lagu wadaa in dhawaan uu magacaabo guddi cusub ee Doorashooyinka waana sababta aay isugu yeertay QM in shir la isugu yimaado usbuucan.

Waxaa loo badinayaa in gebi ahaanba dib loogu laabto heshiis Doorasho oo cusub kaasoo meesha ka saari doono heshiiskii 17 September oo noqday caqabad hortaagan in aay dalka Dooraso ka dhacdo.