[XOG XASAASI AH] Halis Farmaajo kasoo wajahday Xildhibaannada Laba Beel uu ku tashanayay codadkooda

Reading Time: < 1 minute

Musharax Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo mar kale u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2022 ayaa xaalad cusub kasoo wajahday xildhibaannada laba beelood oo uu codkooda ku tashanayey.

Kulan uu dhowaan Farmaajo la yeeshay xildhibaannada labada aqal ee Beesha Dir ayuu walaac ka muujiyey taageerada uu ka sugayey, kadib abaal uu sheegay inuu u galay, wuxuuna ka dalbaday inay codkooda siiyaan oo u hiiliyaan.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Musharax Maxamed C/llaahi oo ololihiisa Musharaxnimo si weyn ugu tiirsanaa codadka xildhibaannada Beelaha Dir iyo Digil iyo Mirifle, balse ay xaalad culus kasoo wajahday markii laga war helay in xildhibaanno badan oo beelahan ka trisan ay aadeen musharixiin kale.

Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu ku fashilmay musharixii ay wateen Farmaajo iyo C/casiis Lafta-gareen ayaa digniin hordhac ah u noqotay kooxda ololaha Doorashada Farmaajo, waxaana shakiga ugu weyn saaran yahay xildhibaannada Beesha Dir.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo mar ahaa saaxiibka ugu dhow Farmaajo ayaa saameyntiisa xildhibaanada labada Aqal ee Dirta waqooyi ay ka yaraatay kala bar, waxayna qeyb ka mida taageero buuxda u muujiyeen musharaxa kale ee Xasan Cali Kheyre.

Qeyb ka mida Xildhibaannada Digil iyo Mirifle ayaa sidoo kale gacantiisa ka baxday madaxweynaha K/Glabeed, waxayna hadda si xor ah ugu kala qeybsameen taageerada Musharixiinta kala duwan, taasoo hoos u dhigtay codadkii badnaa ee Farmaajo ku tashanayey.

Xildhibaannada Beesha Shanaad waxay arrintooda wiiqantay markii Fahad Yaasiin laga hor istaagay kursigii xildhibaannimo, waxaana hadda soo baxday inay xildhibaannada Beeshan ui kala qeysameen musharixiin uu Farmaajo ka mid yahay.

Codadkii kooxda Farmaajo ku tashaneysay inuu wareegga koowaad heli karo 100 ilaa 120 cod ayaa hadda ka hoos maray 100, sida ay sheegeyso saadaashii ugu danbeysay, iyadoo 48-saac ee soo socota uu dhici doono ololaha ugu weyn ee xilka Madaxweynaha.