[XOG] Xaggee ka keenay magaca cusub ee Fahad Yasin lagu doortay?

Reading Time: 2 minutes

La-taliyaha amniga madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo shalay tagay magaalada Beledweyne ayaa shahaadada musharaxnimo ku qaatay magac cusub, kaasi oo maanta lagu doortay.

Magaca cusub ee Fahad uu xildhibaanka ku noqday ayaa ah; Fahad Daahir Axmed, waxaana ka dhalatay dood badan iyo su’aalo ku saabsan halka uu ka yimid magacan cusub.

Magacan ayaa ah mid ka mid ah magacyada uu Baasaboorka uga qaatay Kenya taasoo bartamihii 2019 aay Dowladda Kenya ka ceshatay dhalashada dalkeeda oo uu ku qaatay sifo sharci darro ah.

Qormo dheer ayeey MOL ka qortay Bishii Ogoosto 18, 2018 (Halkan ka akhriso) taasoo keentay in Dowladda Kenya aay tallaabo sharci ah ka qaado Baasaboorada uu Fahad ka qaatay dalka Kenya.

Haddaba, sida aad la socotaan waxaa uu Fahad ka qabsaday qareeno dalka Kenya halkaasoo aay dowladda Kenya ka xayirtay malaayiin Doollar oo ugu jirtay laba koonto bangi uu ku lahaa dalka Kenya, haddaba si uu u sii wado dacwada Fahad ma bedeli karo mana qaadan karo magaciisa saxda ah waana midda keentay in uu xildhibaan ku noqdo magaca Fahad Dahir Axmed oo ah mid been abuur ah.

Fahad weligiis waxaa loo yaqiin Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo xitaa marka uu weriyaha ahaa uu afkiisa ka sheegi jiray. Sidaas darteed su’aasha ayaa ah; Fahad ma hadda ayuu magaca beddeshay mise magaca Fahad Daahir Axmed ayaa sax ah, oo weligiis wuxuu adegsan jiray magac aan sax aheyn oo ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Fahad waxaa horey loogu eedeeyey kaalin kulahaa dilka Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ka tirsan hay’adda NISA uu markaas Taliye ka ahaa, sida ay ehellada marxuumada ay u sheegen warbaahinta, inkasta oo Maxkamadda Ciidamada ay ku weysya wax ku lug lahaansho ah.

La-taliyaha amniga madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa dadaal xoogan geliyay sidii uu kursigaas usoo qaadan lahaa, wuxuuna qorshaha kursigaan qeyb ka yahay xasaanad u helista xubno ka tirsan/tirsanaa NISA.