(XOG) Waxgaradka Soomaaliyeed oo isla gartaay colaad hurinta & dagaal oogida MW Farmaajo

Reading Time: 2 minutes

Inta badan Waxgaradka , dhaqanka, Haweenka , Siyaasiinta & ururada bulshada Rayidka waxeey isla garteen in MW Farmaajo uu yahay dagaal ooge maadama uu isku dayay waxkasto kalifi kartaa in dalka uu galo colaad sokeeye.

MW Farmaajo ayaa awooda dowlada ku caburiyay muwaadinin xuriyadooda damaanad qaaday dastuurka, adeegyadii dowladana wuxuu ka dhigay mid reero gaar loogu qidmeeyo waxaana taariikhda u gashay sida uu ukala jecleestay Dagmada Qardho & Baladweyne maadama uusan u cadaalad falin labada deegaan & labada shacab ee midba masiibu u gaar qabsatay.

Fataahadii wabiga shabeelle ee magalada baladweyne wuxuu ku yaboohay 500 kun oo dolar balse ma uusan lagaarin sanad markii aykasoo wareegsatay oo shacabkii iswaydiiyay away balanqaadkii dowlada ayuu bixiyay halka Daadadkii magalada qardho uu Madaxweynaha ku yaboohay 1 Milyan isla habeenkiina ladiray lacagtaas arrintaas oo daaha ka rogeeysa , kala qeybinta & qabyaalada uu hoos ka hurinayo MW Farmaajo.

Dadka Siyaasada odoroso ayaa ku qeexay weerarkii lagu qaaday abdirahmaan abdishakuur inuu ahaa mid salka ku heesa digtatatooriyad lana doonayo in la caburiyo aragtida mucaaradka.

Arrinta waxeey isbadashay markii MW Farmaajo & Raisal Wasaarihiisa Rooble ay magacabeen Gudi doorasho oo ka kooban  Saraakiil ciidan, Shaqaalle rayid & xoogaga wadaniyiinta si ay u afduuban doorashada dalka kadhaceyso 2020 / 2021.

Haddaba iyadoo wax kayar 3 bil ay u harsan tahay dowlada MW farmaajo ayaa hadana la filayaa in uu dagaal sokeeye dalka gallo mar hadii colaada uu shidayo masuulkii larabay inuu dalka isku wado.

Qeyla dhaanta waxgaradka ayaa ilaa & hada wax jawaabka soo bixinin MW Farmaajo taas badalkeedana wuxuu warbaahinta kahadla dhahaa shaqsiyaad aan matalin magaca ayku hadlayaan balse katirsan xoogaga wadaniyiinta & kuwa laaluushan oo lagu siiyo qarashaad sidee saxaafada uga hor hadlaan .

Waxaa la filayaa dhawaan in ay goaan mideeysan so saraan kooxaha isbadal doonka kadib markii wadatashiyada loobahan yahay soo dhameeyan , maadama Madaxweynihii dalka uu hurinaayo colaad dalkana uu doonayo inuu galiyo xaalad fowdo ah.