Reading Time: < 1 minute
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
130 days
07 hours
51 minutes
56 seconds

Kadib laba maalmood oo si adag looga dooday heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb 3 iyo sida xal looga gaari karo Doorasho guud oo la isku raacsan yahay ayaa waxaa hakad galay shirkii Muqdisho ee madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu keli ku noqday Heshiiskii Dhuusamareeb III, markii ay in wax laga bedelo soo jeediyeen inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana kaliya taageerada heshiiska ku haray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kadib laba maalmood oo si adag looga dooday heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb 3 iyo sida xal looga gaari karo Doorasho guud oo la isku raacsan yahay ayaa waxaa hakad galay shirkii Muqdisho ee madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Xogta aay MOL heshay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu keli ku noqday Heshiiskii Dhuusamareeb III, markii in wax laga bedelo soo jeediyeen inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana kaliya taageerada heshiiska ku haray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare (Akhriso Sababta) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

1- Maamulka Doorshada aysan ku keli noqon Guddiga Doorashada Qaran ee ay qeyb ka nqodaan Guddiga Geer Maamul Goboleed.

2- In Tirada Ergada dooraneysa Kuraasta Baarlamaanka laga dhigo 101-150 ergo

3- In meesha laga saaro Xisbiyadda siyaasadda oo lagu galo doorashada.

4- Iyo in maamul Goboleed kasta ay doorashadu ka dhcdo laba Degaan Doorasho.