(Xog) Waa sidee xaaladda Mukhtar Roobow, xaggeese ku xiran yahay?

Reading Time: < 1 minute

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay saraakiisha amniga ayaa MOL u xaqiijiyay in Mukhtar Robow uu qabo dhaawac xabad kaga dhacday lugta iyo wejiga oo looga garaacay qori dabadiis.

Xaaladda Mukhtar ayaa aad u liidata waxaana la geeyay cisbitaalka hay’adda NISA ee  ku yaal gudaha xarunta hay’adda sirdoonka ee NISA.

Mukhtar ayaa loo keenay dhaqaatiir fiidnamadii caawa kuwaasoo kula tacaalaya in ay daweeyaan dhaawaciisa, balse Mukhtar ayaa diiday in uu qaato wax daawo ah ama uu cuno raashiinka loo keeno.

Xaaladda magaalada Baydhabo aya weli kacsan, waxaana wariyaha MOL ee Baydhabo uu soo sheegay in maalinta berrito ah lagu ballansan yahay in magaalada ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo doorashada la sheegay in ay maalinta berri ah ka dhici doonto magaalada Baydhabo, waxaa kale uu soo sheegay wariyaha MOL in musharaxiinta ku tartami lahayd doorashada berrito ay qaadici doonaan, inta aan ka ahayn Cabdicasiis Laftargareen oo ah musharaxa Madaxtooyada JFS.