(Xog) Waa maxay sababta Farmaajo & Rooble u diideen shirka wadatashiga doorashada?

Reading Time: 3 minutes

Afartii asbuuc ee u danbeeysay waxaa madaxda dowlad goboleedyada ay ka codsanayeen Ra’iisal Wasaare Rooble in uu qabto shirka Madasha Wadatashiga Qaran si markii u danbeeysay loo soo afjaro arimaha doorashooyinka, jadwal kama danbeeysa oo la isla ogol yahay, raali laga wada yahay loo saaro.

Shirar gaar gaar  ah oo ay isugu yimadeen Rooble iyo Farmaajo ayaana lagu go’aamiyay in aan doorasho waqtigeeda lagu qaban. Madaama Farmaajo uusan qayb ka ahaynin shirka wadatashiga Qaran waxa uu gadaal ka hagaa Rooble, isaga oo u soo dhiibo go’aanada  ka tarjumaya daniisa  (Farmaajo) gaarka ah.

Rooble oo fulinaya amarka Farmaajo iyo tan dowlada Qatar, ayaa gabi ahaanba iska indha tiray in uu fududeeyo shirkaas si aan marnaba loo soo saarin jadwal rasmi ah lagu soo afjarayo howlaha qabashada doorashada. Rooble ayaa u arka qabashada doorasho ku dhacda laba bilood gudahood in ay soo dadajinayso xilhayntiisa.

Waxaa is barbar socda labo qorsho oo iska soo horjeedo:

  1. Qorshaha Farmaajo iyo Rooble:

Qorshahaan ayaa ujeedadiisu tahay in doorasho been abuur ah la iclaamiyo iyada oo markaas caalamka iyo dadka Soomaaliyeed loo sheegayo in doorashadii bilaabatay. Tusaale; Dowlad Goboleelka Hirshabelle ayaa sadax xildhibaan soo tuuraysa halka Galmudug labo soo tuursaysa. Ka dibna waa laga aamusayaa ilaa mudo sadax bilood ah.

Ujeedada rasmiga ah ayaa ah in doorashda Aqalka Hoose la gaarsiiyo bartamaha bisha Juun ee sanadka danbe. Waxa sidoo kala la doonayaa in lacag lagu dhaco magaca doorashada  iyada oo aan wax doorasho ah oo la taaban karaa ayan dalka ka dhicin.

Si hadaba ay Farmaajo iyo Rooble u maran habaabiyaan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa Rooble uu qabanaya shirar been abuur ah oo qiiq isku qaris ah. Waxa shir been abuur  ah qadka ZOOM ka uuu  kula  galay gudiga doorashada heer Federaal ah.  Rooble ayaa ku baaqay in doorashada la dar-dar galiyo isaga oo ayan qorshahiisu ayan marnaba ku jirin in dalka dooraasho ka dhacdo xili dhaw.

Tala soo jeedinta Dowlad Goboleedyada iyo qabashada shir deg deg ah:

Madaxda dowlada goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland ayaa talo ahaan soo jeediyay in shir deg deg ah ay madaxda dowlad goboleedyada iyo dowlada federalka isugu yimadaan. Kulankaas ayaana lagu go’aaminayaa jadwalka doorashada ee kama danbeeynta ah iyada oo xal laga gaarayo caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa doonayo in doorashada ku dhacdo mudo aan ka badnayn 60 cesho ka dibna la doorto madaxweynaha dalka. Dowlad Goboleedyad ayaa ku adkeeysanaya dadajinta doorashada iyada oo mar qura la isla bilaabayo laysla dhameeynayo.

Talo soo jeedintooda ayaa waxaa kamida ah in dowlad goboleedkii ka dib dhaca soo saarida xildhibaanada waqtigii lagu heshiiyay in aan loo ogolaan in ay qayb ka noqdaan doorashada gudoonka Baarlaaanka iyo tan madaxweynaha. Xildhibaanada la soo doorto waqti ka baxsan jadwalka lagu heshiiyay waxaa la dhaarinayaa oo kaliya doorashada marka ay dhacdo ka dib.

Rooble iyo Famaaajo oo ka horyimid shirka watashiga Doorashooyinka

Farmaajo oo isticmaalayo Rooble ayaa ka horyimid tala soo jeedinta madaxda dowlad goboleedyada,. gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland. Rooble ayaa diiday in uu qayb ka noqdo shir buuxa oo ay isugu yimadaan madaxda dowlad Goboeledyada.

Mar hadii Rooble diiday in la qabto shir fool-ka-fool ah, waxa laga codsaday in uu qabto shirka dhanka ZOOM ah, iyadiina waa uu diiday oo waa uu ka horyimid.  Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ay arakayaan wajiga rasmiga ee RW Rooble kaas oo ah nin u adeegaya danaha Farmaajo iyo dowlada Qatar  isaga oo si buuxda isugu dhiibay Farmaajo iyo Fahad.

Madaxda dowlad goboleedyadu marnaba ma qabanayaa doorasho la jiido oo dhowr bilood socoto, gaar ahaan mid xaqiijinaysa danaha iyo hamiga  Rooble iyo Farmaajo. Marnaba ha ka sugin in Puntland iyo Jubbaland ay doorasho qabtaan iyada oo aan xal loo helin arimaha cakiran ee ka jira dalka.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!