[XOG] Waa kuwee siyaasiyiinta Hawiye ee Muqdisho ka bilaabay ololaha Doorashada Saciid Deni?

Reading Time: 2 minutes

Siyaasiyiin iyo xildhibaano hore oo kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa Muqdisho ka billaabay ololaha doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la filayo inuu isku sharaxo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Madaxweynha Puntland Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho ka qortay shaqsiyaad sirta iyo xogta siyaasadda Muqdisho u qaabilsan oo Hawiye ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona qorshihiisa doorasho.

Shaqsiyaadkan oo toddobaadyadii la soo dhaafay muddo laba usbuuc ah ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa waxaa hormuud u ahaa.

  1. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe)
  2. Mustaf Dhuxulow
  3. Kamal Guutaale iyo xubno ka tirsan xisbiga Wadajir.

Sida MOL loo sheegay waxaa socda wadahadal u dhexeeya Xisbiga Wadajir iyo Saciid Cabdullaahi Deni. Kooxda Wadajir ayaa aaminsan in aay aad u hooseeyso fursadooda waxa aayna rabaan in ay fursad ka raadiyaan in uu Saciid Deni ku guuleysan karo xilka Madaxweynaha taasoo dadka siyaasadda odoras u arkaan mid aanan suurto geli doonin Doorashadaan.

Kooxdan waxey isugu jiran siyaasiyiin dhallinyaro ah, xildhibaano hore, dad hadda xildhibaano u sharaxan iyo suxufiyiin. Shaqada ay dadkaan Saciid Deni u qaban doonaan ayaa ah inay u keenaan:

1- Guuxa magaalada Muqdisho yaalla
2- Caqabaddaha musharixiinta Hawiye heysta
3- Ka iibiya beesha Hawiye inuu Deni dhismi karo, oo ay liidato fursadda Hawiye, waxna ku darsadaan.

Siyaasiyiinta howshaan loo xil saaray ayaa magaalada Muqdisho sameystay xarumo ay isugu yimaadaan, islamarkaana ay ku uruuriyaan xogaha, waxaaa mashruucaan bil kasta lagu bixinayaa lacago tobanaan kun oo dollar ah.

Saciid Deni oo la filayo inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku arka inuu yahay siyaasiga kaliya ee Farmaajo kaga guuleysan kara kursiga Villa Somalia.