[Xog] Villa Somalia oo qorsheyneysa in aay dalka ka eriso Safiirka UK & Kuwa kale

Reading Time: < 1 minute

Sida saraakiil ka tirsan Villa Somalia ay u sheegeen MOL waxaa socda qorshe lagu eryayo safiiro dhowr ah oo aay ugu horreyso Safiirka UK. Qorshahan ayaa waxaa wada Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse iyo Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan.

Farmaajo ayaa weli ka fiirsanaya in dalka laga ceyriyo safiiro aay Villa Somalia u aragto in aay ka soo horjeedaan siyaasadooda Doorashada isagoo cabsi ka qaba in aay soo dedejiso in isaga lagu qasbo in uu is casilo. Halka Jamal iyo Cabdisaciid aay kula talinayaan in ceyrinta Kate Foster aay siineyso fursad aay dib uga gurtaan Beesha Caalamka.

Waxaa durba laga bilaabay Baraha Bulshada in lagu eedeeyo Villa Somalia in aay ka gaabisay difaaca madax bannaanida Dowladda iyo Dalka, waxaana taageerayaasha Villa Somalia ee Baraha Bulshada aay codsanayaan in dalka laga ceryiyo Safiirka Ingiriiska Kate Foster.

Lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono Farmaajo balse waxaa hubaal ah in aay socdaan qorshayaal aay Villa Somalia ka damacsan tahay diblomaasiyiinta jooga Soomaaliya.

Halka Hoose ka daawo ololaha taageerayaasha Villa Somalia ee Baraha Bulshada