[XOG] Villa Somalia oo lacag laaluush ah ku raadineyso sidii loo badbaadin lahaa Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay MOL u xaqiijiyeen waxaa Wasiirka Qorsheynta Jamal Maxamed Xasan waxaana Wasiir Jamal oo sida lacag laaluush ah uu geeyay xeyndaabka Xalane Madaxa Xafiiska Midowga Afrika Franceso Madiere oo saaxiib dhow la ah Villa Somalia, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shirka ku soo galay qadka telefoneka.

Sida aay xogta sheegeyso waxaa Villa Somalia aay raadineysaa in qaab diblomaasiyeed loo badbaadiyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ku fashilmay Afganbi uu rabay in uu shaqada kaga joojiyo RW Maxamed Xuseen Rooble.

Madiera oo ah diblomaasi si weyn uga macaashay Villa Somalia afartii sano ee la soo dhaafay ayaa la aaminsan yahay in uu caawa bilaabay sidii Beesha Caalamka aay uga shaqeyn lahayd in nabad la dhex dhigo Rooble iyo Farmaajo isagoo ku andacoonaya sidii dalka looga ilaalin lahaa firaaq dastuuri ah.

Ilo wareedyo ka tirsan Diblomaasiyiinta Xalane oo la hadlay MOL ayaa noo xaqiijiyay in Ingiriiska iyo Midowga Yurub aay qaadaceen shir uu caawa isugu yeeray Francesco Madiera kaddib markii aay ogaadeen in uu muddo laba saacadood ka badan uu shir albaabada u xiran yahay la galay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Midka Qorsheynta.

Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in aay caawa soo saaraan warsaxafadeed, walow aan la ogeyn haddii ay aqbali doonaan qaraarka uu soo bandhigay Madeire oo aay ku raaceen wadamada Qatar, Itoobiya & Urur Goboleedka IGAD.