(Xog) Villa Somalia oo dardar gelineysa mooshinka xil ka qaadista RW Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Waxaa tan iyo markii uu maalintii shalay ahayd soo idlaaday shirkii Dhuusomareeb ayaa waxaa magaalada Muqdisho si xowli ah uga socda qorista mooshin xilka looga qaadayo RW Xasan Cali Kheyre, waxaana mooshinka sida MOL ay xogta ku heshay hormuud ka ah wasiiro ka tirsan xukuumadda RW Kheyre oo ku hayb ah MW Farmaajo.

Xildhibaanada garabka Farmaajo ayaa bilaabay in ay qadka telefoonka ku wacaan xildhibaano kale si ay ugu saxiixaan liiska mooshinka oo hadda maraya 79 xildhibaan tirada saxiixday sida MOL loo sheegay.

Xogta ayaa tibaaxeysa in Mowshinkaas ay horboodayaan Xildhibaan Abdishakuur Ali Mire  Fahad Yaasiin & Khadijo Maxamed Diiriye, iyadoo xildhibaanka saxiixa Mooshinka loo ballan qaadayo in la siin doono 10 Kun oo dollar. sida uu MOL u sheegay mid ka mid ah Xildhibaanada saxiixay.

Xildhibaanada Farmaajo aya ku eedeynaya RW Kheyre in uu ka danbeeyay shirqoolkii shirkii Dhuusomareeb iyagoo aaminsan in uu yahay RW Kheyre qof aanan karti u lahayn in uu sheegto mowqifkiisa balse isticmaalo siyaasiyiin kale iyagoo aaminsan in MW Waare uu ahaa afhayeenka RW Kheyre oo isaga u hadlay inta uu Kheyre ka baqay in uu ka horsheego MW Farmaajo.

Lama oga halka uu ku danbeeynayo Mowshinkaas iyadoo la ogyahay 70 ka mid ah xildhibaanada BJFS ay ka tirsan yihiin xukuumaddiisa, balse loo badinayo in ay la saftaan Villa Somalia maadaama uu gabaabsi yahay wakhtiga, waxaana ay ka doorbidayaan muddo kordhin in ay heleen intii ay difaaci lahaayeen RW Kheyre.