[XOG] Toddoba (7) Qodob oo laga rabo in uu Rooble hirgeliyo si shirka uu u noqdo mid guuleysta

Reading Time: 2 minutes

Maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shirka doorashada looga hadlayo ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada. Shirkan oo uu horay isaga baxay Farmaajo 7-badii April ayaa rajo laga qabaa in raísul wasaare Rooble ku guuleysto wixii uu ku guuldareystay ninka isaga magacaabay, isla markaana uu la yimaado aragti hoggaan iyo go’áan qaadasho adag.

Maxaa Keenay Fashilka Shirkii hore ee Afisyooni:

Inta aanu sidoo kale Farmaajo isaga bixin shirkii ka horeeyey midka Afisyooni ee Dhuusamareeb 4 horraantii February, isla markaana uu ahaa madaxweyne sharci ah, waxaa uu wadahadalka doorashada joogay saddex qodob oo dhameystir u ah heshiiskii September 17 kuwaas oo kala ahaa:

(1). Gedo in lagu celiyo gacanta Jubbaland (2). Somaliland inuu hoggaamiyo Cabdi Xaashi oo ah guddoomiyaha aqalka sare (3). Guddiga doorashada in laga saaro shaqaalaha xafiisyada Farmaajo iyo Rooble iyo ciidanka, iyada oo xataa arrimahaas xal looga gaaray shir farsamo oo ka dhacay Baydhabo February 16.

Haddaba, markii uu Farmaajo shirkaasi kasoo tagay, waxaa ka dhacay sharciyaddii madaxweynnimo, si awoodihiisa u sii jiraan waxaa uu ku dhaqaaqay tallaabooyin loo arkin colaad iyo kursi isku dhejin, waxaa uuna hortagay golaha shacabka, gudbiyana gar naqsi iyo dacwo ka dhan maamul goboleedyada tiiyo keentay in waxa uu rabo ka sameysto golaha, waxaana xigay qalalaaso agu bar tilmaameedsaday musharaxiinta madaxweynaha, taasi oo soo dedejisay in markii April la yimid Afisyooni lagu daro saddexdii qodob ee shirkii Dhuusamareeb 4 ilaa Todobo qodob oo kale kuwaas oo kala ahaa:

  1. In Baarlamaanku uu noqdo kusime, isla markaana aanu wax shaqo dastuuri ah qaban.
  2. In Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu qoro warqad uu ku cadeynayo in uu kusime yahay, uuna laalo awoodaha dastuuriga ah ee madaxweynnimo.
  3. Xukuumaddu noqoto xil gaarsiin oo aysan qaadan qaraaro mustaqbalka saameyn yeesha
  4. In Beesha Caalamka ay damaanad qaade ka noqoto heshiiska dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada.
  5. In shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada ee qeybta ka ahaa weerarkii 19 February Muqdisho ka dhacay, ee loo geystay madaxweeynayaashi hore.
  6. in Shirka ka qeybgalaan saamileyda siyaasadda, oo aan lagu koobin oo keliya DF iyo dowlad goboleedyada.
  7. In aan la siyaasadeyn ciidanka, isla markaana amniga doorashada lagu wareejiyo booliis iyo AMISOM.

Arrimahaas oo uu Farmaajo ka biyo diiday, isagana baxay shirka Afisyooni iyada oo ay joogaan maamul goboleedyada.

Haddaba, mar haddii maamulka shirkan 20-ka bisha iyo guud ahaan doorashada uu la wareegay raísul wasaare Maxamed Rooble, waxaa la gudboon in dabacsanaan uu ka muujiyo arrimaha horay la isugu diiday, tashina aanu kula laaban Farmaajo oo uu isugu go’áan qaato, isla markaana uu ogaado in markan ay tahay rajadii ugu dambeysay ee arrimaha doorashada 2021-ka.