(Xog) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo laga soo raacdeeyay Xeryahii Ciidanka ee ku yiilay Daayniile.

Reading Time: 2 minutes

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Indhaqarshe oo tagey xeradii ciidamada ee Daayniila qaybtii Raadaarka rabayna in uu u dayactiro CXDS si aay u degaan, ayaa lagu wargeliyay Guddoomiyaha Daayniile Jacfar qorshaha Gen. Indha Qarshe.

Waxaa Daqiiqado ka dib Guddomiye Jacfar oo wata ciidan beeleed uu tagay goobtii uu joogay Taliye Indhaqarshe kuna wargeliyay in uu meesha isaga tago. General indhaqarshe ayaa u sheegay in uu u yimid in xerada la qiimeeyo maadaama aay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aay leeyahiin dhulka. Hase ahaatee Guddoomiye Jacfar ayaa u sheegay in isagu yahay guddoomiyaha degmada dhulkana aay leedahay beesha Murudsade uguna hanjabay in hadduusan ka tagin meesha uu awood uga saarayo. Arrinta marka aay halkaa marayso ayuu taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meeshii isaga soo tagay isagoo caraysan kana baqay in isku dhac yimaado.

Haddaba waxaa wax la yaab noqotay in taliyahii ciidanka XDS aay soo raacdeysteen ciidan huwan darees beeleed oo uu watay Guddoomiyaha degmada Daayniil.

Dhamaadkii sanadkii hore ayay ahayd markii xildhibaan Mustaf Dhuxulow uu ugu qudbeeyay beeshiisa in xerooyinka Daayniil aay yihiin dhul aay beeshiisu leedahay. Waxaa kaloo isweydiin mudan in dowladda oo uu horkacayo MW Farmaajo iyo RW Kheyre ay maalmahan ku cadaadinayeen in Senator Muuse Suudi uu ka baxo dhul ay siisay dowladdii Cabdullahi Yusuf si sharci ahna loogu wareejiyay, iyadoo loo sheegay in uu halka isaga baxo si ay safaarad caalami ah uga dhistaan dowladda Qatar.

Waxaa soo muuqda saansaan dagaalo sokeeye oo markale dalka dib uga bilowda haddii aanay dowladda joojin gabood falka ay ku hayso shacabka iyo siyaasiyiinta ka soo jende gobolka Banaadir.

Halkaan ka daawo qaar ka mida xildhibaanada ka soo jeeda degaanka Deyniile oo sheegaya in dhul beel gaar ah leedahay uu CXD ay xoog ku heystaan anaana loo dulqaadan doonin in dhulkaas xoog lagu sii heysto, taas oo macnaheedu yahay in taliye ciidan ama wasiir ayan tagi karin dhulkaas.