Baaritaano ay in mudo ah ay waday shabakada Muqadisho Online ee la xiriirta dhaq-dhaqaaqa saraakiisha ciidanka Nabadsugida ee dalka Eritereeya ayaa waxa ay ku ogaatay in MW Farmaajo uu dalka galiyay xaalada keeni karta in mas’uuliyiin badan oo ka tirsan mucaaradka ka soo horjeeda Farmaajo iyo dad shacab ah ay naftooda ku waayn doonaan qorshaha guracan oo ay wado dowlada Eritreeya.
Saraakiishaan oo ka kooban afar madax sare ah, kana socoto xafiiska Madaxweynaha dalka Eritereeya Isiaas Afwerki iyo lix shaqaale hoose ah ayaa waxa ay in mudo ah ka wadeen magaalada Muqadisho baaritaano iyo qalabeyn, gaar ahaan xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, Xarunta NISA, Taliska Booliiska iyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Kooxdaan ka socota Sirdoonka dalka Eritereeya ayaa diyaarinayay dhamaan kaabayaasha ay u baahnaan doonaan ciidamada sida gaarka ah loogu soo tababaray Madaxweyne Farmaajo ee la filayo in dhawaan la geeyo magaalooyinka Muqadisho, Baraawe, Jowhar, Dhusamareeb. Waxa horay u joogay Gobolka Gedo saraakiiil ka socota dalka Eritreeya kuwaas oo halkaas tababaro ku siinayay ciidamo gaar ah oo uu Farmaajo halkaas geeystay. Lama oga nooca tababarka ah ee la siinayo ciidankaas iyo qorshaha uu Farmaajo la damacsan yahay.
Saraakiisha hada ku sugan Muqadisho waxa si gaar ah loogu xilsaaray in ay la shaqeeyaan labo nin oo Soomaali ah oo ka soo jeeda beelaha Shiikhaal iyo Murusade kuwaas oo qoys ahaan xiriir wada-dhalasho la leh qoysas ka soo jeeda Qowmiyada Tigreeniya.
Howlaha sida gaar ah ilaa iyo hadda loo qabtay waxa kamida:
- Saraakiishaan ayaa loo xilsaaray in ay xaqiijiyaan in si farsameysan looga takhaluso siyaasiyiinta sida gaar ah uu Farmaajo uga baqayo, iyada oo la isticmaalayo xeelado uu horay Madaxweyne Afwerki ugu soo najaxay taas oo u sahashay in uu xukunka dalkiisa heysto in ka badan 20 sano.
- Sadax Asbuuc ka hor waxa kulan qarsoodi ah uu ku dhacay duleedka magalaada Afgooye. Kulankaan oo ay sahashay hay’adda NISA ayaa waxa ku kulmay shaqsiyaad ka soo jeeda dalka Eritreeya oo lagu sheegay in ay yihiin dhex-dhexaadiyayaal iyo qaar kamida mdaxda Al Sbabaab. MOL uma suuragalin inay hesho xogta rasmiga ah ee ku saabsan qodobadii looga hadlay kulankaas, waxaanse qiyaasaynaa in kulankaas uu yahay mid ayan ku jirin dan Soomaaliyeed. Ma ah wax qarsoodi ah in Dowlada Eritreeya iyo Ururka Al Shabaab uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer, Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa horay u shaaciyay xiriirkaas.
- Mudo ka badan shan asbuuc ayaa saraakiisha Eritereeya ay degaan ahaan deganaayeen ama ay booqosho qarsoon ku tagaayeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Sida ay Muqadisho Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay saraakiishaan ayaa halkaas waxa ay ku xirayeen qalab aan la shaacinin ujeedada laga leeyahay. Waxaa sidoo kale loo fasaxay in ay wax badan ka ogaadaan qaabdhismeedka ciidanka, howl-galka ciiidan Qalabsida iyo sidii loo howl-galin lahaa ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritreeya iyaga oo ka baxsan taliska guud ee ciidanka Xooga Dalka.
- Saraakiisha Ciidanka Eritreeya ayaa la sheegayaa in ay soo gaba-gabeeyeen abaabulka iyo qorshaha qaabka ay ciidamada ay soo tababartay dowlada Eritereeya ay uga howlgali doonaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan goobaha doorashooyinka iyo sidii loo xakamayn lahaa dhaq-dhaqaaqa mucaaradka, gaar ahaan beelaha dega magaalada Muqadisho.
Xog lagu kalsoonaan karo oo ay heshay MOL ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in si xoog ah uu ku maamulo doorashada dalka iyo natiijooyinkii ka soo bixi doona doorashadaas, iyada oo tusaale laga dhiganaayo doorashadii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee dhiigu ku daatay.
Dhanka kale waxaa mudan in la xuso in Xasan Cali Kheyre uu markii hore qayb ka ahaa qorshaha Farmaajo iyo Afwerki.. Dhaqaalaha la siin jiray saraakiisha ka tirsan sirdoonka dalka Eritreeyana waxaa la soo marsiin jiray xafiiska Xasan Cali Kheyre. Waa lama huraan in Xasan Cali Kheyre uu shaaciyo waxa uu ka ogyahay qorshaha dalka Eritreeye. Hadii uu ka aamusana arintaana waxa uu qayb ka ahaan doonaa dadka loo qabsan doono xasuuqa la qorshaynayo in uu ka dhaco dalka Soomaaliya.
Waxa nasiib xumo ah in shacabka Muqadisho ku dhaqan iyo mucaaradka ayan wax war u haynin qorshaha Farmaajo iyo Khatarta ku soo wajahan guud ahaan dalka Soomaaliya. Hadii aan si deg-deg ah looga hortagin qorshaha Farmaajo iyo Afwerki oo in mudo ah soo socday, waxaa hubaal ah in Soomaaliya uu markle ka dhici doono xasuuq shacab. Farmaajo-na uu ku mintidi doono adkeynta hogaankiisa isaga oo isticmaalayo awoodo shisheeye.