[XOG] Sidee Fahad Yasin shalay ku galay Teendhada Doorashada ka socotay?

Reading Time: < 1 minute

Doorashadii shalay ka dhacday xarunta Afisyooni ee Doorashada Madaxweynaha aya lagu dhex arkay Doorashada dhexdeeda Fahad Yasin oo ka shaqeeynaya in uu xildhibaano u helo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

MOL aya heshay xogta sida uu ku soo galay Fahad Yasin Teendhada ay ka socotay Doorashada. Fahad Yasin aya lacago laaluush ah oo aanan helin caddadeeda siiyay saraakiisha ugu sareeysa ciidanka ATMIS taasoo Fahad u sahashay in isaga iyo (7) Qof oo la socotay ay Teendhada ku soo galaan Baabuurta ATMIS.

Arrintan aya ahayd arrin leh Qatar amni taasoo sahli kartay in halkaas uu Fahad soo geliyo naftii halige isku dhex qarxin karay goobta ay ka socotay Doorashada.

MOL aya heshay sawirada saraakiisha u fududeysay Fahad Yasin in uu soo galo Teendhada iyo gawaaridii lagu soo qaaday, balse waxa ay isha aan ka helnay xogta naga codsadeen in aanan faafin sawaradaas, taasoo u keeni karta arrimo amni & in ay khatar gali karto naftooda.