Shirkii Wadatashiga Afesyooni oo galay maalintiisii labaad ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu ahaa mid la isku eedeeyanayay, la isku caayay, isla markaana aan waxba la iskula harin. Labada dowlad Goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa Farmaajo ku eedeeyey in uu isagu mas’uul ka yahay fashilka doorashada ceebna uu dhex fadhiyo.
Ali Guudlaawe, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa dhankooda difaacay Farmaajo iyaga oo labada Dowlad Goboleed kale u sheegay in ayan rabin doorasaho, kuna shaqeeystaan koox nabad did ah oo ah mucaarad, dadkooda (Hawiye) aan waxba ka gooynin.
“Saaxibiyaal meelkastaa waa idinkuugu imid, Garowe, Xamar iyo Dhuusameeb, markastaana waxaan idiin-lahadli jiray si calool fiyoow iyo rabitaan ay daacad iga ahayd, laakiin waa diideen… waxaanse idin sheegayaa raga Jazeera ku shiraya ee aan isku haybta nahay anaga ayaa idinka naqaan, hadii ay dan u yihiin dalkana anaga ayaa Hawiye-nimo ugu hiilin lahayn, laakiin wax aan lugooyo ahayn ma hayaan iyo Farmaajo naceeb, idinkana qarka ayay idinka tureen” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Qoor Qoor.
Shirka oo maalintiis labaad galay ayaa doodiisa halkeeda ka sii socon doontaa, lama yaqaano in wax natiijo ah ka soo bixi doonaan , laakiin waxa labada dhinac xoog isugu haya waa Bessh Caalamka, wixii ka soo kirdha shirka maanta dib ayaan idinkaaga soo sheegi doonaa