(Xog) Shiikh Sharif oo ka dhex wada Mucaaradka kala furfur, kala qaybin iyo fashalin! Sabab?

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay qabaan dareen ah in Shiikh Sharif si dadban ugu biiray Fahad iyo Farmaajo ayaa waxa maalinta maalinta ka danbeeysa soo ifbaxaysa cadeyno muujinaya in Fahad Yasin u adeegsano Shiikh Sharif in uu ku kala furfuro ama colaad ka dhex abuurto Mucaardka, gaar haan Midowga Musharaxiinta.

Waxa uu Muqdisho ka baxay iyada oo xaalada Muqdisho ay meel xun marayso, qarkana loo saaray yahay dagaal, kadibna waxa uu soo noqday marka xaalada la dajiyay.

MOL waxaa loo xaqiijiyay in Kharashka uu kaga baxay magaalada uu bixiyay Fahad Yasin iyo Farmaajo.

Mar alaale markii uu soo noqday waxa uu bilaaway in uu khalalaase siyaasadeed ka dhex abuuro mucaaraadka, isaga oo ku eedeyay in ay wadaan siyaasad qaldan.

Waxa uu ka dhex wadaa mucaaradka kala furfur iyo isku dir keenay in uu yimaado kala shaki dhexdooda ah.

Sida MOL loo xaqiijiyay, Farmaajo iyo Fahad oo bixiya Qarashaka uu Shiikh Sharif ku joogo magalad Muqdisho ayaa u diyaariyay kulamo gaar gaar ah uu kula kulmayo qaar kamida mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada Federaalka.

Kulamadaas ayaana lagu baahiyaa warbaahinta Farmaajo iyo Fahad, waana qorsho si fog looga fakaray in lagu dumiyo mucaardka.

Ujeedada laga leeyahay kulamadaas ayaa ah in shacabka loo tuso jn qaar kamida dowlada ay la safan yihiin Farmaajo, taas oo qayb ka ah qorshaha lagula kaa diraayo Ciidanka isla markaana lagu kala qaybinayo mucaaradka.

“Wadaadnimada waa sheegtaa, laakiin hadii munaafaq jiro waa isaga, marnaba kama

Sariigto arimaha lagu majaxaabinayo siyaasiyiinta uu shirkadda la yahay” sidaas waxa yiri ragii horay ula soo shaqeeyay laakiiin hada isaga tahay,

Waxa uu intaas ku daray “ Maxaakiimtii aamintay oo uu la soo shaqeeyay waa uu qiyaanay, qabiilkiiskii waa uu qiyaanay, saaxibadiisii ku dhawaa oo sanado la soo shaqeeyay waa uu qiyaanay, adeer nin damiir leh ma aha”.