Dhowr bilood ka hor ayaa ay ahayd markii Ra’iisal Wasaare Rooble uu soo hor-istaagay shacabka Soomaliyeed isaga oo u sheegay in uu ka shaqeeyn doono in cadaalad ay hesho Marxuumad Ikram Tahliil.
Hadalka ka soo yeeray Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxa soo dhaweeyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii ay ka dhimatay Ikram Tahliil. Rooble ayaa sidoo kale la kulmay qoyska Ikram Tahliil oo ay hogaaminaysay Allaha u naxariistee Xildhibaanad Aamino.
Shirkaa markuu uu dhamaaday ayaa xildhibaanad Aamino waxa ay wareysi siisay Taleefishinka Caaalamiga ah ee Universal TV waxa ay markale ku celisay inayan marnaba ka tanaasuli doonin da’daalka ay cadaalad ugu raadinayso Ikram Tahliil.
Waxa ay si gaar ah ugu mahadcelisay RW Rooble,, iyada oo soo dhaweysay balan qaadkiisii ahaa in Ikram Tahliil hesho Cadaalad.
Bishii Oktoobar 4teedii ee sanadkii tagay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dalka Qatar ku tagay booqasho rasmi ah uu ka helay madaxda dalkaas. Waxa uuna halkaas ku sugnaa mudo ku dhawaad asbuuc.
Kulamo kala duwan uu la yeeshay sirdoonka dalkaas iyo madax kale ka dib, waxaa dalka ku soo noqday Rooble oo gabi ahaanba laga soo dhaadhiciyay in uu iska ilaabo dacwada Ikram Tahliil.
Xogag ay heshay MOL ayaa cadeeynay in Rooble uu dhaqaale iyo balanqaad siyaasadeed ku badashay in uu gabi ahaanba soo afjaro dacwada Ikram Tahliil. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in loo balan qaaday in qoyskiisa la siiyo deganaansho buuxda, dhaqaale joogta ahna la siiyo. Waxa uu sidoo kale horay u soo qaatay lacag sooryo ah oo dhowr milyan ah.
Rooble markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu gabi ahaanba soo afjaray dacwadii Ikram Tahliil isaga oo armay in dadka ku howlan dacwadaas ay ka haraan isla markaana aan la soo hadal qaadin dacdawa ama wax la xiriria.
Xildhibaan Aamino iyo qoyska ay ka dhalatay Ikram Tahliil oo aad uga xun khiyaanada uu ku sameeyay Rooble ayaa waxa ay isku dayeen in ay sii wadaan dacwada iyo abaabulka shacabka, laakiin daruufo siyaasadeed, kuwa amni iyo kuwa dhaqaale uma suuragalin in ay sii wadaan da’daaladooda la xiriira dacwada Ikram Tahliil.
Hadaba waxa waxa lala yaab ah in Rooble oo dacwadii Ikram Tahllil ku badashay dhaqaale iyo wax kale oo aan qiimo ku dhisnaynin in uu cid kala ku eedeeyo dilka Xildhibaanad Aamino.
Hadii uu damiir iyo sharaf u hartay waxa u wanaagsan in uu dib u soo nooleeyo dacwada Ikram Tahllil, umadda Soomaaliyeedna uu u sheego cida ka danbeeysay dilkeeda oo uu isaga si gaar ah loola wadaagay? Hadii kale waa in uu ka aamusaa xasuuqa ka dhacay Baladweyne, gaar ahaan qaraxii ula-kaca ahaa ee lagu qaarijiyay Xildhibaanad Aamino.