(Xog) Sababta aay ciidamada Mareykanka uga baxeen Somalia oo la ogaaday

Reading Time: 2 minutes

Illo ku dhaw Taliska Ciidanka XDS ayaa MOL, sababta keentay in Ciidanka Mareykanka aay qaataan go’aan ah in aay gebi ahaanba isaga baxaan Somalia. Ilo wareedyada ayaa noo xaqiijiyay in 92 xubnood oo la sheegay in aay ka soo goosteen Kooxda Al-Shabaab ayaa la keenay xarada lagu tababaro ciidanka Danab tababaro oo ku yaal gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa la keenay dhalinyaradan oo dhammaantood ka soo jeeda beesha Madaxweynaha  Xerada Ceel-Saliini, oo qiyaastii 60-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho, sida ay illo-wareedyadu sheegeen.

Inta tababarka u socdo, ayaa waxaa socday Baaritaan lagu hayay dhalinyaradaas, kaddibna aay Ciidanka Mareykanka ogaadeen in aanay ka bixin kooxda Shabaab oo weli xiriir la leeyihiin dagaalyahanada Shabaab.

Xogta ayeey Ciidanka Mareykanka la wadaageen Taliyihii markaa joogay Ismaaciil, wuxuuna u gudbiyay Taliska CXDS. Halkii aay ahayd in ciidankaas laga saaro Tababarka ayaa Amar uu bixiyay MW Farmaajo waxaa xabsiga loo taxaabay Taliyihii Danab, kaasoo muddo ka badan seddex bilood sharci darro ugu xirnaa MW Farmaajo.

Ciidanka Mareykanka ayaa markii aay ka warhaleen in iska daa in Shabab laga saaro ciidanka, balse la xiray Taliyihii Danab ayeey go’aansadeen in aay dalka isaga baxaan inta aay ka imaneyso dowlad kale oo daacad aay ka tahay la dagaalanka kooxda Shabab.

Ma ahan wax qarsoodi ah in Farmaajo mudadii uu xukunka dalka haystay dalacsiiyay Saraakiil badan oo Mareexaan ah, isagoo tiro badan oo Al-Shabaab ah uu kusoo daray qeybaha kala duwan ee Ciidanka iyo Nabadsugidda dalka.

Macluumaadka ay MOL haleyso, ayaa sheegaya inay jiraan dhalinyaro kale oo horey loogu tababaray Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo DANAB iyo GOR-GOR lagu biiriyay, iyagoo Al-Shabaab ah, welina feker argagaxisadda aaminsan.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa xoogga saaraya dhismaha Ciidan qabiil ku dhisan, oo iyaga ka amar qaata, wuxuuna qorshaha ay wadaan lagu tilmaamay mid ay ku doonayaan inay dalka ku qabsadaan.

Waxay dalka Eritrea u direen kumanaan dhalinyaro, oo si qarsoodi ah Muqdisho diyaarado looga qaadey xili habeen ah, waxaana qaar badan oo kamid ah lagu soo celiyay Caasimadda 6 bilood kadib, iyagoo kamid noqday NISA.

Ciidanka wuxuu noqdey mid u adeegga Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo lagu weeraro cid kasta oo kahor-timaada, sida in lagu caburiyo mucaaradka, Saxaafadda iyo in laagu afduubo doorashadda maamullada.

Maalmo kahor, Ciidanka Haramcad ee Turkiga uu tababaray ayaa rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ku furay shacab isagu soo baxay wadooyinka Muqdisho oo dhigayay dibadbaxyo iyo Kacdoon xukunka Farmaajo lagu diidan yahay.

Ciidanka waxaa sidoo kale la duldhigay guryaha ay degan yihiin Musharixiinta Mucaaradka, oo Farmaajo ka baqayo inay abaabulaan qorsho isaga xilka looga tuurayo, maadaama uu qaban waayay doorashadda.

Soomaaliya wuxuu Farmaajo ku wadaa jidkii ay ku burburtay 30 sano kahor, hadii aan la daba-qaban, waxay qarka u saaran tahay inay ku laabato meeshii ay ka timid, ee ah dagaal sokeeye, dil, boob iyo qax.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!