Waxaa sideedii bilood ee la soo dhaafay ku sugnaa magalaadda Muqdisho Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Abdi Faarah Shirdoon (Saacid). Sida MOL loo xaaqijiyo RW Saaciid ayaa waxa uu noqday lataliyaha gaarka ah ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
RW Saacid oo degaan ahaan degan xeendaabka Villa Soomaaliya ayaa waxa uu adeer laxmi ah u yahay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo. Saacid oo lagu tilmaamo in uu yahay siyaasi qunyar socod ah ayaa hada waxa uu dabada la galay siyaasadda beesha Mariixaan.
“Soomaalida ayaa ku qaldanayd mooyee, anaga waanu naqiinay in Saacid yahay nin qabiilka dishay oo u muuqda nin ay ka go’an tahay in uu Farmaajo ku hayo kursiga xataa hadii ay ka soo horjeestaan beesha uu isaga xididka la yahay ee Hawiye”, Sidaas waxa yiri mid kamida siyaasiyiinta Mariixaan ee horay uga tirsanaan jiray baarlamankii 10naad.
Dad badan ayaa rumeysan in siyaasadda u suuragalisay in Farmaajo ku dhawaad labo sano uu ku darsado waqti xileedkisii uu ka danbeey RW Saacid. Mid kamida shaqaalaha Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale u xaqiijiyay MOL in Saacid uu habeenkii xiliga danbe uu si joogta ah, gaarna ah uu ula kulmo Farmaajo.
Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa horay looga soo ceyriyay dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii la helay raadad sheegayo in uu qayb ka yahay qorshaha looga soo horjeedo nabadgalyada Soomaaliya iyo siyaasadda dalka Imaaraadka. Warar dheeraad ah ayaa sidoo klas sheegaya in ay jiraan codad laga duubay isaga iyo Farmaajo ayaga oo kawada hadlaya siyaasada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale RW Saacid ayaa sidoo kale si farsameysan looga musaafuriyay dalka Kenya. Bilihi u danbeeyay ayuu aad isugu mashquuliyay in loo ogolaado inuu dib ugu soo noqdo dalka Kenya oo ay hanti badan u taalo.