Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalmihii u danbeeyay Kooxda ololaha Madaxweyne Farmaajo usheegayeen siyaasiinta mucaaradka & Xildhibaanada JFS in ay ceeri doonan RW Hassan Ali Kaire maadama Madaxweyne farmaajo uu rabo inuu helo mudo kordhin labo sano ah.

Sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay Muqdisho Online u sheegen in R/W Kaire dhowr jeer oo hore looso jeediyay inuu danta qaranka owgeed & mida Xisbiga Nabad & Nolol darteed uu isku casilo sida loo dhiso dowlad midnimo qaran balse uu diiday in ka dago xilka .

RW Khayre ayaa si cad ugu sheegay fahad yaasiin & Madaxweyne Farmaajo in Xisbiga Nabad & Nolol ay burburi doonto hadii la isku dayo in moshin ka dhan ah lahorgeeyo baarlamaanka , asagoo ugu baaqay saaxiibadiisa in ay tixgaliyaan garabna ku siiyan inuu ku guuleesto Kursiga Madaxweynenimo Maadama  Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay Siyaasada Soomaaliya fursadna u laheen.

Fahad Yaasiin oo isku dayo faro badan sameeyay siduu u qanciyo R/W Kaire ayaa ku guuldareestay .

Dowlada Qatar oo so faragalisay Dooda u dhaxeeyso Xisbiga Nabad & Nolol ayaa casuumad uso dirtay R/W Hassan Ali Kaire si ay ugu qanciso inuu is casilo arrintaas oo iyana cuslaatay.

R/W Khayre ayaa aamisan inuu fursad siyaasadeed leeyahay suurta gal tahay inuu ku guuleesto tartanka doorashada 2021.

Lama ogo halka uu ku danbeeynayo xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeyso Madaxweyne Farmaajo & R/W Hassan Ali Kaire.