(Xog) Rooble oo qiyaanay Axmad Madoobe iyo Fahad Yasin oo iibsaday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Reading Time: 2 minutes

Sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay, Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxa uu dhabar jabin xoogan ku sameeyay qorshihii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmad Madoobe uu ka lahaa doorashada loo asteeyay Gobolka Gedo.

Cabdikarin Guuleed oo ay isku qoys ka soo wadajeedaan Maxamed Xusees  Rooble ayaa asbuucyadii u danbeysay waxa uu wadahadal kula jiray Fahad Yasin oo lagu sheego in uu yahay milkiilaha Dowlada Farmaajo.

Qodob ka mida qodobada looga hadlayay wadahadalka ayaa ujeedadiisu ahayd in la isku soo dhaweeyo Rooble iyo Fahad Yasin. Sida MOL ay u xaqjiiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xafiiska RW Rooble, Fahad iyo Rooble ayaa sadax mar qadka taleefanka kuwada hadlay.

Kulankii ugu danbeeyay oo ay labada nin ku wadahadleen waxa uu dhacay habeen ka hor maalintii uu Rooble balanta la lahaa safiirka Mareykanka. Waxa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Fahad Yasin oo soo maraya Cabdikarin Guuleed uu lacag lagu sheegay sooryo uu ku wareejiyay Rooble.

Rooble ayaa kulankii uu la yeeshay Safiirka Maraykenka waxa uu gabi ahaanba uga soo horjeestay go’aankii ahaa in doorashada looga danbeeyo Axmad Madoobe. Rooble ayaa u sheegay safiirka Mareykanka in doorashada 16ka kuris ee ka harsan doorashada Jubbaland ay ka dhici doonto oo kaliya magalaada Garbahaareey.

Sida ay MOL u xaqiijeen ilo lagu kalsoon yahay, Rooble ayaa ku eedeeyay Axmad Madoobe in caqbad ku yahay geedi socodka doorashooyinka ee loo asteeyay in ay ka dhacdo magalaada Garbahaareey. Waxaa uuna si cad ugu sheegay safiirka in lagu caawiye in Farmaajo kala shaqeeyo in ay doorashada ka dhacdo Garbahaareey. Hadalkaan ayaana ah mid ay u soo dhiibeen Fahad Yasin iyo Farmaajo.

Madaxwyne Axmad Madoobe oo si buuxda u aaminaya iskuna dhiibay Rooble ayaa waxa uu mar kaliya ka warhelay qiyaanada Rooble iyo saameynta uu Fahad Yasin ku leeyahay go’aanadii uu Rooble la wadaagay safiirka Mareykanka.

Waxaa wax lala yaabo noqotay in Maxamed Xuseen Rooble uu isku dhiibo Fahad Yasin isaga oo qadiyadii reer Gedo iyo kuwii saaxiibadiisa uu dhaqaale ku iibsado.  Dhaawaca ugu weyna waxa uu soo gaaray Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Cara boo kursigiisii lumiyay, mar hadii Rooble uu qiyaanay Axmad Madoobe.

Intii uu Rooble Ra’iisal Wasaare ka ahaa dalka Soomaaliya, ma jirto hal shaqo oo loo igmaday oo uu guul ka keenay. Waxa uuna qiyaanay qofkastaa oo uu horay heshiis ula galay, waxaana u dambeeysay heshiiskii uu uga baxay hogaanka beelaha ka soo jeeda waqooyiga Soomaaliya.

Waxa uu ku soo dhamaaday in uu lacag aan qiimo badan joogin ku iibiyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha isaga oo isku soo hareereeyay shaqsiyaad aan ehel u ahayn dowladnimada Soomaaliya kuwaas oo intooda badan  ka soo jeeda beeshiisa.

Fashilkiisa waxa aad ka dheehan kartaa, in dhamaan shaqsiyaadkii ka soo jeeday xafiiskiisa ee beelahooda ka doontay  xildhibaanimada  dhamantood loo soo diiday ayaga oo gacan marana ku soo noqday xafiiska Rooble.