(Xog) Rooble iyo saaxabadiis oo heshiis qarsoodi ah la galay Kenya?

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maalinta Axada ee bisha Disember ahayd 5ta safar qarsoodi ah ku tagay magalaada Nairobi ee dalka Keny wafdi ka socday xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble. Wafdigaan ayaa isugu jiray ganacsato ehel la ah RW Rooble iyo saaxiibadii ka tirsan Golaha wasiiradiisa.

Wafdigaan oo ay garoonka diyaaradaha ee magalaada Nairobi ka soo qaadeen mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda ganacsiga  ee dalka Kenya ayaa waxa wafdiga la dajiyay hoteel lagu magacaabo Ole Serena kaas oo aan  ka fogaynin garoonka diyaaradaha ee JKIA.

Sida MOL ay ka heshay xog lagu kalsoon yahay, wafdiga ayaa u yimid inay heshiis ganacsi oo gaaar ah la galaan madaxda dalka Kenya kaas oo qayb ka ah qorshaha uu doonaayo Ra’iisal Wasaare Rooble  iyo saaxiibadiisa in ay  dhaqaale badan ku sameeyaan inta uu xilka haayo.

Shirarka qarsoodiga ah ee  dhex maray labada dhinac ayaa looga hadlay sidii Qaadka Kenya dib loogu furi lahaa suuqyada Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya. Waxaa wafdiga oo uu hogaaminaayay wasiirka Amniga Qaranka, Cabdullahi Maxamed Nur   laga codsaday Kenya in ay adeega Qaadka ku wareejiso Ganacsato wakiil ka ah wasiirka Amniga iyo Ra’iisal Wasaare Rooble.

Waxaa sidoo kale uu RW Rooble codsaday in dhaqaalaha laga hela Qaadka loo qaybsado Afar geesood. 1) RW Rooble,  2) Wasiir Cabdullahi Maxamed Nuur, 3) Ganacsato ka soo jeeedo beesha Habargedir, 4) iyo ganacsato Kenyaan ah.

Ra’iisal Wasaare Rooble waxa qoondada dhankiisa ah  kula jira Wasiir ku Xigeenka  Wasraadda Warfaafinta Al Cadaala, iyo Wasiirka Waxabarashada Cabdullahi Carab.

Qaadka oo lacag badan laga sameeyo, ayaa qandaraaska qaadkil loo wareejiyay dalka Itoobiya waxaa lacag aan caadi ahayn oo badan  ka sameeya Xaaska Madaxweyne Farmaajo Zeynab Macalin, Farmaajo walaalkiis, Xasan Farmaajo iyo Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Banaaadir Cali Wardhere (Cali Yare).

RW Rooble ayaa ay ka go’an tahay in uu dhaqaale ka sameeyo kursiga  Ra’iisal Wasaaranimada isaga oo ay ka muuqato deg deg uu ku doonayo in uu ku dhaco hantida ummadda Soomaaliyeed isaga oo isticmaalaya magaca dowlada Soomaaliya. Waxa uu horay qandaraas u siiyay shirkado ay wataan ganacsato ka soo jeeda  qoyskiisa iyo saaxibadiisa.

Dhanka kale Wasiirka Aminga iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa asbuucyadii u danbeeyay waxa ay iibinaayeen waraaqaha ruqsada (License) ee shirkada amniga ee gaarka loo leeyahay. Sida MOL xaqiijisay Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa shirkado waaweyn oo caalmi ah waxa ay siisay waraaqaha ruqsada taas oo fasax u siinaysa in ay ka howl galaan dalka Soomaaliya.