[XOG] Rooble iyo Farmaajo oo ka shaqeynaya in aay fashiliyaan shirka loo ballansan yahay ee Madasha

Reading Time: < 1 minute

Villa Somalia in dhaweydba diidaneyd in aay kulmaan Madasha wadatashiga Doorashooyinka oo aay xubno ka yihiin hoggaanka Dowlad Goboleedyada iyo Ra’isul Maxamed Xuseen Rooble ayaa cadaadis badan kaddib waxa uu xalay aqbalay Rooble in madasha isugu timaado shirka wadashiga oo lagu wado in uu caawa ku dhex maro aallada ZOOMKA.

Si taas looga hortago wixii ka soo bixi lahaa shirka ayaa maanta waxaa Rooble iyo Farmaajo aay ku amreen guddiga Doorashiyka FIET in aay soo saaraan jadwal been ah.

Hoggaanka labada Dowlad Goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ayaa raba in aay doorashada xildhibaanada aqalka hoose aay laba maalin oo isku xiga dhammaan la doorto si wakhtiga lagu qaban lahaa Doorashada loo beeqaamiyo, balse waxaa taa diidan Rooble iyo Farmaajo oo raba in aay seeta dheerayaan Doorashad oo aay gaarsiiyaan bartamaha sanadka soo socda ee 2022.

Qoraalka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka ayaa abuuri doono xasarad cusub oo keenta in meeshii la joogay dib loogu noqdo, taasoo keeneysa in shirka caawa loo ballansan yahay aanan laga soo saarin wax jadwal ah sida aay rabeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani.

Qorshaha Villa Somalia iyo Rooble aay ku heshiiyeen ayaa ah in doorashada Madaxweynaha aay dalka ka dhacdo Bisha September ee sanadka 2022 taasoo Farmaajo siineysa muddo kororsigii uu rabay ee labada sano ahaa, waxaana ujeedka ugu weyn uu yahay in la xaraasho ilaa 6 ceel oo shidaal ah Bisha Febraayo ee sanadka 2022.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!