[XOG] Rooble, Guuleed & Cabdi Qeybdiid oo ku fashilmay Doorashadii Guddiga FIET

Reading Time: 2 minutes

Doorashadii ka dhacay teendhada Afisyooni, ee maanta lagu doortay guddoonka guddiga doorashooyinka heer federaal, ayaa muujisay laba arrin oo mid ay aheyd lama filaan, midda kalena la qiyaasayey.

Arrinta koowaad ee doorashada kasoo shaac baxday ayaa aheyd sida uu qorsheynayay RW Xilgaarsiinta Rooble oo uu Cabdi Qeybdiid ku cadaadinayay in Guddoomiyaha Guddiga loo magacaabo Liibaan Shuluq oo ka taageere u ah Madaxweynihii iska casilay Maamulka Galmudug oo haddana ka mid ah midowga Musharaxiinta Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Arrinta kale ayaa aheyd in xubnaha Guddiga aay ka biyo diideen codsiyo si dadban uu u soo gaarsiiyay Rooble taasoo uu ugu ololeynayay in Liibaan Shuluq ay taageeraan “Waxaa Cabdikariin Xuseen Guuleed ii ballan qaaday $10 KUN haddii aan codkeyga siiyo Liibaan ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii doortay Guddoomiyaha kaasoo ka cudur daartay in aan magaciisa sheegno. Wuxuu intaa ku daray in Guuleed uu $5000 Doollar uu qaar ka mid ah guddiga uu hor marin u siiyay halka $5000 uu ballan qaaday haddii Liibaan noqdo Guddoomiyaha ayuu yiri.

Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegayaa inay ku kala qeybsanaayeen doorashada oo aanay hal musharax isku wada raacsaneyn, marka laga reebo in Liibaam Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) taageero ka helayay Rooble, Cabdi Qeydiid & Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Mushariinta ayaa xoogooda isugu geeyey sidii uu xilka guddoomiyaha ugu guuleysan lahaa Maxamed Cirro, maadaama ay u arkaan inuu isaga uga roon yahay Liibaan Shuluq oo ah shakhsi si weyn ugu ololeeya Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Liibaan Shuluq ayaa sidoo kale la sheegay inuu garab weyn ka helayey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxayna midaan muujisay sida ay u yar tahay awoodda Rooble ee dhanka guddiyada doorashada dalka.

Arrinta labaad ee doorashada kasoo shaac-baxday ayaa aheyd awoodda dhaqaalaha ku yeesha doorashadii maanta iyo in dhaqaalaha mar kale noqon doono waxa ugu muhiimsan doorashada xildhibaanada iyo madaxweynaha.

Sida aan xogta ku helnay Villa Somalia ayaa xubnaha dooranayey guddoonka u qeybisay lacago aad u badan, si ay u soo saarto guddoomiye Cirro. Sidoo kalena qaar ka tirsan musharixiinta ayaa lacag ku bixinayey inaan la dooran Liibaan Shuluq.

Doorashada Guddoonka Guddiga FEIT oo maanta dhacday ayaa waxay dhabar jab ku noqotay hanka Rooble iyo Beesha Habar Gadir, taasoo aay adkaan doonto in murashaxiinta beesha Habar Gidir aay kasoo gudbaan wareegga koowaad Doorashada lagu wado in aay dalka ka dhacdo 10ka bisha Oktoober ee sanadkan 2021.

Doorashadaan oo ahayd mid aad u xamaasad sareysay ayaa waxaa ku tartamay shan musharax, iyadoo wareegii labaad ay u gudbeen Maxamed Cirro iyo Liibaan Shuluq.

Guddiga ayaa ka kooban 25 mudane, waxaana dalka ka maqan xubin ka mid ah, iyagoo 24-ka kale ay hoolka xaadir ku ahaayeen, isla markaana ay wada codeeyeen.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa lagu tiriyaa inuu si weyn ugu dhow yahay garabka Fahad iyo Farmaajo, inkastoo uu isaga dhowr jeer sheegay inuu si cadaalad ah uga shaqeyn doono doorashooyinka Soomaaliya.