Reading Time: 2 minutes
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
130 days
08 hours
19 minutes
35 seconds

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii labaad  madaxtooyada ku guddoominaya Shirka Wada-tashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si looga arrinsado arimaha doorashooyinka Soomaaliya ee horaanta 2021-da.

Wararka ugu danbeeyay kulankaasi MOL ka helayso ayaa sheegayaan in ay jiraan xooggaa isku soo dhawaashaa oo u dhexeeya dhinacyada halkaasi ku shirsan balse ay wali jiraan qodobo dhinacyada aad ugu kala aragti duwan yihiin oo ku saabsan doqobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb3.

kulankii shalay ayaa ahaa mid daah fur ah oo Madaxda isku weydaarsanayeen aragtidooda, lana isku waafaqay in la sameeyo tanaasul balse kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah oo looga doodayo arimaha ku xeeran doorashooyinka.

Caqabada ugu waawayn ee dhinacyada aysan wali isku fahmin waxaa ka mid ah:-

Shirkii Dhuusamareeb3.

Madaxda ayaa isku haya qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo horay u qaadacay shirkaas qeybna ka aheyn ay doonayaan in qodobada dib u habeyn lagu sameeyo ama wax laga bedelo.

Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed waxa ay ku adkaysteen in aan lagu laaban qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb,balse Jubbaland iyo Puntland keenaan aragtiida ku aadan qodobada ay rabaan in wax ka badal lagu sameeyo badalkii meesha laga saari lahaa qodobadii Dhuusamareeb 3.

Doorashada.

Qodobada doorashada ee doodda ugu adag ka taagan tahay ayaa ah cida maamuleysa doorashooyinka, maadaama heshiiskii Dhuusamareeb 3 uu awood siinayay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Madaxda Maamul Goboleedyada, Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday waxa ayna, dalbanayaan in la sameeyo Guddi kale oo heer dowlad goboleed iyo heer Federaal, si ay doorashooyinka uga soo talabixiyaan ka dibna u maamulaan.

Ergooyinka Doorasha

Waxaa kaloo iyana doodda ka taagan yahay tirada ergooyinka wax dooraneysa oo horay u ahaa 306 Ergo, waxaana arrintan qaba in la dhimo inta badan maamul goboleedyada, iyadoo la eegayo duruufaha amni, waxaana jirta soo jeedin ku saabsan in ergada laga dhigo 101 -150.

Arrinta kale ee doodda ugu weyn ka taagan ayaa ah deegaanada la geynayo kuraasta ee ay ka dhacayaan doorashooyinka oo aan la isku raacsaneyn, waxaana Madaxtooyada ay u aragtaa qodobkan midka ugu muhiimsan, maadaama ay dooneyso in Gobolka Gedo oo aan iminka gacanta ugu jirin Maamulka Axmed Madoobe lagu soo doorto kuraasta Xildhibaannada.

Sidoo kale Madaxtooyada ayaa doonaysa in ay maamusho xildhibaanada laga soo dooranayo gobolka Jubbada dhexe oo ku jira gacanta Al Shabaab, badalkii lagayn lahaa Magaaladda Kismaayo oo saldhig u ah maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Beesha Caalamka ayaa isha ku haysa kulanka u dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiye-yaasha Dowlad-goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish, waxa ayna ku cadaadinaysaa in ay gaaraan go’aano la isku raacsanyahay si loo amba qaado doorashooyinka Soomaaliya.