Wajigii koowaad ee qorshaha beesha caalamka ayaa u muuqda in uu taabagalay, iyada oo qaar kamida dadkii lagu tuhmaayay inay caqabad ku yihiin nabada Soomaaliya iyo geedi socodka doorashooyinka laga reebo ka mid noqoshada golaha baarlamaanka 11naad.
Waxaa dhanka kake jira qorshooyin dib dacwo loogu soo oogi doono kooxo qaadan doono shahaadada hada, laakiin dib looga xayuubin doono xuquuqda ka mid noqoshada Baarlamaanka. Dacwooyinkaas waxaa Hormuud ka ah dowlado iyo hay’addo gaar ah.
Sida MOL loo xaqiijiyay, marka ay dhacdo doorashada gudoonka Baarlamaanka waxaa iyadana la shaacin doonaa liiska musharaxiinta madaxweyanaha kuwaas oo lagu soo eedeeyay inay caqabad ku noodeen, kuna noqon doonaan geedi socodka nabada Soomaaliya.
Talaabooyinka hada la qaaday waxa ay astaan u yihiin waxa imaan doono asbuucyada soo socda. Qaar kamida musharaxiinta Madaxweynaha ayaa iskood uga hari doona doorshada ka dibmarkii si hoose fartiin loo gaarsiiyay halka kuwa kale la shaacin doono.