Xog: MW Farmajo oo RW Kheyre ka Wareejiyey Hawlaha Dowladda una Igmaday Cabdisiciid Muuse.

Reading Time: 3 minutes

MW Farmajo ayaa in muddo ah uu ismaandhaaf hoose kala dhaxeeyey RW Kheyre, hasa yeeshee si loo yiraahdo waa isla dhmaeysannay waxaa uu u dulqaatay khaldaadka  ciidda ka badan oo u sameeyey Kheyre. Madaxweynaha ayaa waxaa si aad ugu adkaatay inuu Kheyre iska leexiyo si loo daba qabto dalka oo uu hog dheer ku sii socda Fahad iyo Xaaskiisa oo Kheyre eeddo u ah dartood. Labadooda oo midba sababtiisa goonnida u ah wato ayaa diidan Kheyre. Fahad waxaa uu u diidan yahay kheyre isagoo aan hubin in qofka kale ee la keenayaa inuu yahay mid leh dhaliilaha huguridoonka ah ee Xasan Cali Kheyre iyo beenta aan xishoodka lahayn, taasina ay keeni karto inuu Fahad waayo awoodda cagajugleynta iyo cabsiinta ee uu Kheyre  ku leeyahay.

Dhinaca kale waxaa uu diidan yahay inuu Farmajo helo cid uu kaga kalsoonaado isaga. Sidaas darted waxaa uu marwaliba taageeraa Marwada oo iyada u diidan in kheyre la saaro, reerka ay ka yimaadeen iyada iyo Kheyre oo hadda hay’ad walba ka muuqda oo sedbursi weyn ah  la saxo oo la siiyo oo kaliya waxa ay xaqa u leeyihiin iyo waxa ay ka mudan yihiin beelweynta ay ka yimaadeen.

Haddaba waqtigaan muddo xileedkiisa uu gabgabo yahay waxaa uu MW Farmajo inuu si dedban uu uga wareejiyo kheyre hawlaha dowladda, waxaanau u wakiishay inay hawshaas fuliyaan shakhsiyaad uu ku kalsoon yahay sida Balal Cusman oo loo magacaabay arrimaha gobolka sida arrinta baddan, shidaalka, Erateriya iyo Itoobiya. Sidoo kale waxaa uu  la taliyahiisa arrimaha amaanka Abdisaciid Muuse oo uu bilaabay inuu u adeegsado  aarimaha dowladda.

Iyadoo uu farriintaas qabo Cabdisicid Magaalada Nayroobi ayuu kulamo is dabajoog ah kula yeeshay beesha caalamka kulnakas oo mid mid  inuu arko iyo iyagoo mideysan uu ula qaadannay beesha Caalamka si uu ugu sharraxo damaca iyo hawlaha dowladda ee 2020/21.

Twitter uu bartiisa soo dhigay  Cabdisiciid ayuu ku sheegtay inuu la kulmay Fransico Madeira, James Swan iyo Lisa Flipetto sii uu ugu sharraxo qorashada dowladda iyo waxa ay mudnaanta siineyso 2020/21. Hawshaan oo ah tii uu lahaa Kheyre ayaa waxaa Nairobi ka wada Cabdisiciid, iyadoo xataa uusan la socon safiirka Somaliya u jooga Nairobi Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

Twitter-kan waxaa ka muuqda inuu Cabdisaciid la kulmay si wadajir ah  dhammaan bulshada caalamka ee Somaliya ka tageerta dhinayo badan. La taliyuhu waxaa si aan sharci ahayn balsa ogolaanshaha madaxweynaha ula wareegay hawlihii Kheyre. Waxaana wararka laga helayo madaxtooyada ay sheegayaan in Kheyre uu aad uga xanaaqay tallaabadaan, telefannadiina uu dansaday.

Dadka falanqeeyaa siyassada cakiran ee dowladdaan gabbalkeedii sii dhacayo waxay leeyihiin waa la qabali kari lahaa haddii uu Cabdisicid ka tirsanaan lahaa kooxda ama wafdi uu la socdo R/Wasaaraha, uuna ku ekaado arrimaha uu la taliyaha ka yahay ee ammaanka.

Hasa yeeshee,  waxaa muuqata inuu yahay madaxa hawlaha dowladda iyo kala horumarinta arrimaha mudnaanta u leh dowladda sannadkan 2020/21, iyadoo uu joogo R/Wasaarihii dalka.

Arrintaan waxay muujineysaa in ay Kheyre ku tahay xadgudub, kuna habooneyd in ama lagu aamino shaqada uu ku magacaaban yahay ama si toos ah xilka looga wareejiyo.

RW Kheyre

Dhinaca kale, xog si loo helayo ayaa tibaaxeysa inay dhici karto inuu Kheyre is casilo oo uu sugayo oo kaliya inta ay ka soo dhamaanayaan hawlaha doorashada Galmudug, tan oo uu ku dadaalay inay ka soo baxaan dad uu is leeyahay hakuu shaqeeyaan doorashada 2020/21. Waxaanu hawlahaas u xilsaaray inay ka soo shaqeeyaan koox ay qaraabo yihiin sida Senetor Dhegdheer, Xildhibaanada Mustaf Dhuxulow, Xuseen Iidow, gudoomiye Gacal oo Jimcihii ku biiray markii loo iibiyey kursiga gudoomiyaha barlamanka Galmudug si xoog iyo xeelad isugu jirtana loo afduubay rabitaanka bulshada loo haystay inay degaanka ugu badan tahay uguna awood roon tahay sidaasna uu Gacal ku noqday Gudoomiyaha barlamanka Galmudug

Waxaa  shaqadaan qeyb ka ahaa koox naftooda iyo hantidooda ku ilaashanaya awoodda dowladnimo ee dayacan sida Wasiirka Arrimaha Ggudaha Sabriye, Wasiirka Amniga Gudaha oo tiisaba dayacay Maxamed Abukar Islow iyo Ugaas dhagey oo jeebka Dhegdheer ku jira.

Isku soo duub;  Xaaladda Xamar xalay iyo Maanta waa qasan tahay. Cabdisiciid waxaa uu la wareegay hawshii kheyre, Kheyrana waxaa uu ka fekerayaa inuu iska tago balsa uu aad uga cabsanayo mamada reerka  iyo inuu is sharraxo 2020/21, haddiiba doorasho Madaxweyne la qabto walow dadka yaqaannaa Kheyre ay leeyihiin dadnimadaas wax dhiska ah iyo qaadashada go’aan qofnimo malaha munaafaqnimo iyo kadaba wareeg maahee. Waxaasa lagu sheegay inuu leeyahay awood weyn oo wax  dhisan lagu burburiyo oo ah tan uu ku isticmaalay Galmudug.