[XOG] Muse Biixi oo la soo hordhigay heshiiska Dekedda Saylac ee Farmaajo u saxiixay Itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu RW Itoobiya soo hordhigay heshiiskii afarta dekedood ee uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u saxiixay Itoobiya.

Sida aay xogta sheegeyso waxaa heshiiska ku jira Dekedda Saylac oo uu Farmaajo u saxiixay in ciidanka Badda Itoobiya aay isticmaalaan waxaana heshiiska loo saxiixay uu Itoobiya siinayaa isticmaalka Dekedda Saylac muddo 40 sano ah.

Muuse Biixi ayaa laga codsaday dhaqan gelinta heshiiska, wuxuuna Muuse sheegay in uu dib ugu celinaya Baarlabaanka iyo Guurtida Somaliland si aay go’aan uga gaaraan. Arrintan ayaa ka careysiisay Abiye Axmed sida aay xogta sheegeyso.

Dekedaha kale ee loo saxiixay Itoobiya ayaa kala ah.

  1. Dekedda Saylac
  2. Dekedda Hobyo
  3. Dekedda Baraawe iyo
  4. Dekedda Kismaayo.