Xog:-Maxeey tahay sababta  Xildhibaan Dhahar Cali Faarax  uu Kursiga Baarlamaanka Iskaga Casilay!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka ay heshay MUQDISHO ONLINE ayaa Waxaa  ay sheegayaan in xubinadii Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu iska casilay oo warqadda is casilaadda gudbiyay Ex Xildhibaan Dhahar Cali Faarax,oo Puntland kasoo galay Xildhibaanada.

Sababtay ka dambeeyso iscasilaadiisa ayaa waxaa lagu macneeyay mid siyaasadeed ooay suuragal tahay in Shaqsi ka tirsan Golaha Wasiirada R/wasaare Kheeyre booskaasi uu ka gatay.

Gudiga doorashooyinka Qaranka ayaa uu u gudbiyay is casilaadiisa si doorashada loogu soo qabto deegaanada marki hore laga soo doortay ee Puntland.

Arintaani ayaa waxaa ay qeeyb ka noqoneeysaa Damaca R/wasaare Kheeyre ee ah Xoog kusii yeelashada Mudanayaasha Baarlamaanka oo Hirgalay.